Laba dal oo iska kaashaday qabqabshada dad wadey tahriibayaal ay Soomaaliyi ku jirto (Daawo)

0

(Bogota) 11 Jan 2022 – Dowladda Colombia oo kaashanaysa Waaxda Socdaalka iyo Kastammada ugu qaybsan Maraykanka ee ICE ayaa soo qabtay 11 qofood oo dunida u kala daabulayey dad u kala dhashay ChinaCuba, Nigeria, iyo Pakistan.

Waxaa sidoo kale ku jira Angola, Somalia, Bangladesh, India iyo qaar kale kuwaasoo lacag looga qaadanayey si loo geliyo gudaha dalka Maraykanka iyagoo dhuumaalaysi ku socda.

Booliiska Colombia ayaa xusay in shabakaddani ay saldhig ku lahayd Pasto oo ka tirsan degmada galbeed ee Nariño, Colombia, iyagoo dhaqdhaqaaqooda isha ku hayey tan iyo Sebtembar 2021-kii.

Waxay dadkan ku qaadi jireen gawaari raxan ah, gaadiidka dadwaynaha, basas iyo qaabab kale sida doonyo si ay ugu kala daabulaan magaalooyinka Nariño ee Pasto iyo Ipiales ilaa woqooyi Galbeed Colombia gaar ahaan Antioquia iyagoo qofkiiba ka qaadaya $150 ilaa $350.

Kooxdan ayaa la sheegay in marka ay doonayaan macaamiisha cusub ee dalalka Cuba, China, Angola, Nigeria, Somalia, Bangladesh, India iyo Pakistan waxay adeegyadooda xitaa ku xayaysiin jireen jardiinooyinka, hoteellada iyo boosteejooyinka agtooda.

Hadalsame Media