Kaddib shilkii guriga RW Sweden dowladda oo qaadaysa tillaabooyin ka dhan ah dadka sharci darrada ku jooga (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 11 Jan 2022 – Kaddib markii uu warqaadka Expressen kashifay sheeko ku saabsan haweenay kuwa wax nadiifiya ah oo lagu dhex arkay guriga RW Magdalena Andersson taasoo u dhalatay dalka Nicaragua ee koonfurta Ameerika ayaa waxaa dhalatay dood cusub oo ku saabsan dadka Sweden sharci darrada ku jooga iyagoo aan wax rukhsad iyo iqaamad toona haysan ee loo yaqaan Skuggsamhället.

Haddaba, Anders Ygeman, Wasiirka Socdaalka iyo Isdhexgalka Dowladda Sweden ayaa arrintan saaka uga warramay barnaamijka P1 Morgon. ’’Waxaannu u baahan nahay inaan ku adkayno dadka shaqaalahan dhiigmiiranaya.’’ Ayuu yiri.

Wasiir Ygeman ayaa xusay in qorshaha ay sidoo kale ka mid tahay dib u celinta dad badan oo ajaanib ah isagoo sheegay inay dib u celiyeen 94,000 oo qof tan iyo 2014-kii, balse aanay doonaynin inay beegsadaan dad haysta dhalashada Sweden ama xaq u leh inay ku noolaadaan Sweden, si ka duwan hindisaha Xisbiga SD oo qaba in dad badan dib loo celiyo xitaa haddii ay sharci ku joogaan, balse tusaale ahaan aysan bulshada dhexgelin, luuqadda baran ama shaqaysan.

Hadalsame Media