3 arrimood oo haddii uu MW Farmaajo qaban lahaa maanta noqon lahayd dhaxal siyaasadeed oo lama dhaafaan ah

0

(Hadalsame) 11 Jan 2022 – MW Somalia ee Maxamed Farmaajo ayaa haatan waxaa u dhamaan raba sanadkii 5-aad isagoo kii ugu dambeeyey kursiga ku jooga isagoo aan mudana loo kordhinin heshiis siyaasadeedna ku joogin.

Madaxwaynaha ayaa xalay khudbad uu jeediyey kusoo dhoweeyey heshiiskii Madasha Wadatashiga isagoo aan marna soo hadalqaadin RW Rooble oo ah Madaxa Xukuumadda xil-gaarsiinta ah shirkana hagayey.

Yeelkeede, aannu eegno 3 arrimood oo haddii uu maanta Farmaajo si macquul ah wax uun uga qaban lahaa uu maanta miiska la iman kari lahaa dhaxal siyaasadeed oo aanay cidina inkiri karaynin:

1CIIDANKA – Farmaajo wuu isku dayey inuu sameeyo ciidan balse ma aha ciidan la isku raacsan yahay laguna wada kalsoon yahay, haddii uu marka samayn lahaa xitaa 5,000 oo askari oo xirfad iyo dishibiliin leh, siyaasi gaar ahna aan u nusnayn, yacni ciidan qaran oo leh aragti iyo xirfad qaran.

2DASTUURKA – Waa meelaha ay ahayd inuu maanta oo kale lasoo shir-tago balse uu ku fashilmay dhanka dhamaystirka Dastuurka, tusaale ahaan, Xasan Sheekh waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ahayd nidaaminta hay’aadka maaliyadda oo uu qalfoof wanaagsan u sameeyey iyo dhismaha maamullada oo uu meel wanaagsan keenay. Farmaajo haddii uu Dastuurka ku dari lahaa islamarkaana uu dhisi lahaa Guddi Garsoor oo xirfadleey ah iyo Maxkamaddii Dastuuriga ahayd waxay wax wayn maanta u noqon lahayd isaga marka ay timaado waxqabadka qof ahaaneed iyo qarankaba.

3 BALLAARINTA NIDAAMKA DF – DF waxay xaq u leedahay inay joogis buuxda ku yeelato gobollada oo ay weliba koontoroosho xadadka, dekedaha, garoomada, kastamada iwm. Markii uu Farmaajo doorashooyinka cilladaysan uu ka qabanayey maamullada qaar, dad badan oo jecel samaha dalka ayaa isku qancinayey inay taasi tahay wasiilo khaldan oo waddo wanaagsan lagu gaarayo iyagoo filayey in ujeedku ahaa in la sameeyo DF iyo Maamullada dalka oo isla socda si midnimo siyaasadeed loo gaaro dowladduna ugu fiddo gobollada.

Yeelkeede, waxaa markii dambe xaqiiqowdey in Farmaajo waxaas oo idil u adeegsanayey inuu isagu kursiga kusii joogo waana runtii arrin dhashay natiijo bilcaksi ah, waayo haddii aad wax samayso adigoo aan muujinin inaad kursi ku doonayso waxaadba si sahlan ku heshaa kursiga iyadoo weliba laguu ogol yahay, balse marka aad wax kasta kursi dartii u samayso waxaad luminaysaa wixii taageero micne lahaa ee aad haysatey.

Maanta maamulladu waa uun madax ka nool intooda badanina waxayba dhaqanka ah inuu qofku wax kasta u sameeyo kursiga dartii uga dayanayaan isla DF oo la doonayey inay iyaga tusaale wanaagsan u noqoto, balse xukun wanaaggii iyo nidaam fidintiiba ku guuldarraysatay. Maanta waxaan ka hadlaynaa qof hebel ma tartami karo, iyo kursi baa hebel loo xirey, taasoo ah dhacdo ugub ah oo laga yaqyaqsoodo runtii.

Iskusoo duube, maanta haddii ay 3-daa arrimood oo qur ihi saxmi lahaayeen waxay umuuri noogu joogi lahayn jid wanaagsan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media