MW Maraykanka oo ammaan & dhaliil iskugu daray RW Abiy Ahmed & sababta

0

(Hadalsame) 11 Jan 2022 – Tani waxay daba socotaa warbixino sheegaya in in ka badan konton qof oo barokacayaal ah lagu dilay weerar xagga cirka ah oo Jimcihii ka dhacay waqooyi-galbeed ee Tigray.

War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu soo dhaweeyay sii deynta hogaamiyayaasha mucaaradka, wuxuuna ballan qaaday in uu ka taageeri doono sidii nabad loogu dhameyn lahaa dagaalka lagula jiro fallaagada Tigrey.

Xiriirka xukuumadaha Washington iyo Addis Ababa ayaan xumaaday ka dib markii ay dawladu ka carootay dhaleecayn isdaba joog ah oo loo jeediyay xad gudubyadii xuquuqul insaanka ee dhacay intii uu socday dagaalkii ay kula jirtay xoogagga iska caabinta ee Tigrey.

Xaqiiqda ah in Joe Biden iyo Abiy Ahmed ay ka wada-hadleen khadka taleefanka ayaaa laga yaabaa inay calaamad u tahay horumarka. Warka kasoo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen sidii loo dardargelin lahaa wada-hadallada ku aaddan xabbad-joojin laga wada-hadlo.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in dhawaan la sii daayay hogaamiyayaasha mucaaradka ay ahayd tallaabo wanaagsan. Laakiin mawduuca xasuuqa ayaa mar kale la soo qaaday.

Waxaa sidoo kale kulanka uu Biden ku boogaadiyay sii deynta hogaamiyayaasha mucaaradka oo ku tilmaamey in ay ahayd tallaabo wanaagsan.

Hase yeeshee mowdhuuca duqeynta ayaa markale walaac laga muujiyay iyadoo maalmo un ka hor ay soo baxeen warar sheegaya in in ka badan konton qof oo barakacayaal ah lagu dilay weerar ka dhacay waqooyi galbeed ee gobolka colaaddu daashatay ee Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa sii deysay siyaasiyiin caan ah oo mucaarad ah, xilli dalkaasi uu xusayay ciidda Masiixiga ee Orthodox Christmas.

Weriye caan ah isla markaana ah siyaasi Eskender Nega oo muddo ka badan 18 bilood xirnaa ayaa ka mid ah dadka la sii daayay. Waxaa xabsiga la dhigay bishii June sanadkii 2020 kaddib markii ay rabshado ka bilowdeen caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromia, kaddib dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.

Rabshadaha ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof. Siyaasiyiinta kale ee caanka ah ee la sii daayay waxaa ka mid ah Jawaar Maxamed iyo Bekele Gerba.

Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo soo laalaabtay kuwaasoo lagu doonayay in lagu xlaliyo dagaalka sokeeye ee uu dhiiggu ku daatay ee ka dhacay gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray.

Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay arrintan u sameyneyso iyadoo dooneysa in la gaaro dib u heshiisiin qaran sarena loo qaado “midnimada”.

Ciidamada dowladda ayaa mucaaradka la dagaallamayay muddo sanad ah, kaddib dagaal ka dhacay waqooyiga dalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

.

Saraakiil sare oo caan ah kana tirsan TPLF ayaa ka mid ah dadka cafinta loo fidiyay.

Cafintan ayaa ku soo aadeysa xilli uu dalkaasi booqasho ku tegay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman, oo labada dhinac ku cadaadinayay inay yeeshaan wada hadallo lagu soo ajarayo dagaalka.

Feltman, oo horraantii toddobaadkan ku dhawaaqay inuu xilka banneyn doono dhammaadka bishan, ayaa Khamiistii saraakiil ka socda dowladda wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa.

Iyagoo 300km (186 meyl) u jirsaday caasimadda, Addis Ababa, ayaa kooxda TPLF waxaa lagu qasbay inay dib u gurtaan kaddib markii ay rogaal-celis sameeyeen ciidamada dowladda.

.

Dagaalka Tigray ayaa qarxay bishii November 2020 kaddib markii Abiy uu amray in dagaal militari lagu qaado ciidamada gobolka. Wuuxu sheegay in looga jawaabayo weerar ay kooxda TPLF ku qaadeen saldhig militari oo ay ciidamada federaalku ku leeyihiin gobolka.

Tigray – qodobada saldhiga u ah qalalaasaha

  • Itoobiya waxay u qaybsan tahay 10 dowlad goboleed
  • Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigreega ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul wasaare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018.
  • TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, waxaa booska ka saaray Abiy Axmed.
  • Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciidamada amniga ee gobolka Tigray ay weerareen saldhigyada ciidammada qaranka ee Tigray
  • Mr Abiy wuxuu ku dhawaaqay khilaafka dabayaaqadii bishii Nofeembar, balse dagaalka wuxuu socday tan iyo markii la qabtay doorashooyinka qaran ee 21 Juun
  • Xoogaga kacdoonka ee daacada u ah Jabhadda Xoreynta Tigray (TPLF) ayaa qabsadeen magaalo-madaxda gobolka ee Mekelle
  • In ka badan 350,000 oo qof ayaa wajahaya xaalado macluul, iyadoo qiyaastii 5 milyan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media