Haddii aad maqli jirey ”waxaa loo xirey ookiyaalo cagaaran” arag faa’iidada ku jirta (Ookiyaalaha VR oo lagu tijaabidey lo’da Turkiga)

0

(Hadalsame) 07 Jan 2022 – Isagoo ka qalin daaranaya dhaqankan oo laga adeegsado Ruushka, ayuu Izzet Koçak oo Turkish ihi wuxuu okiyaalaha loo yaqaan VR madaxa u geliyey lo’diisa si ay u dhex xulaan dhul barwaaqo ah oo naq ah laakiin aan run ahayn, waana u shaqaysay oo caano badan ayay dhiiqeen.

Lo’ jirkan oo sannadkii 2018-kii ganacsi Lo’ ah ka sameeyay gobolka Aksaray ee bartamaha Turkiga, ayaa si han leh uga shaqaynaya sidii uu u kordhin lahaa wax-soosaarka caanaha 180-ka Lo’da ah ee haysto.

Waxa uu xitaa markii hore bilaabay in uu u ciyaaro muusiga qadiimiga ah ee xayawaanka, taasoo ah xeelad ay sameeyeen qaar ka mid ah lo’laydu si ay u abuuraan jawi deggan. Maalmahan se, waxa uu u wareegey ookiyaalaha VR oo uu ku tijaabiyey laba ka mid ah lo’diisa.

“Waxaan raadineynaa habab kale oo aan kor ugu qaadno wax-soo-saarka maaddaama uu calafka iyo qiimaha cawsku uu kordhay. Waxaan maqlay inay Ruushku isticmaalaan waana tijaabiyey anigoo u kuurgalay kuurgalay toban maalmood, waxaana ogaaday in tayada iyo xaddiga caanaha labaduba ay kordheen,” ayuu u sheegay Anadolu Agency (AA) Khamiistii.

Isagoo xusay inuu ka warqabo daraasadaha ku saabsan arrimaha degaanka ee saameeya wax soo saarka caanaha, Koçak wuxuu sharraxay: “Waxaan inta badan soo saarnaa 22 litir oo caano ah maalin kasta. Celcelis ahaan cadadka caanaha ee laba sac ee ookiyaalaha loo xirey ayaa hadda gaarey 27 litir. Waxay daawanayaan daaq cagaaran waxayna siinaysaa kicin shucuurta iyo xiisaha ah. Culaysku hadda wuu yaraaday.” ayuu yiri.

Koçak ayaa hadda dalbaday 10 ookiyaalo oo VR ah oo kale si uu ugu xiro 10 sac oo kale.

Hadalsame Media