Maraykanka oo Turkiga u fasaxay inuu dayuuradda ATAK ka iibiyo dal Muslim ah (Dal kale oo uu horay ugu fasaxay)

0

(Hadalsame) 07 Jan 2022 – Pakistan ayaa lagu khasbay inuu ka boxo heshiis ku kacaya $1.5 bilyan oo doollar oo uu Turkiga u shubi lahaa si uu uga soo iibsado 30 dayuuradood oo ah kuwa qumaatiga u duula ee weerarka, isagoo u weecday dhanka Shiinaha, sida uu sheegay sarreeye Guud Babar Iftikhar, oo madax ka ah qaybta ISPR oo xiriirka dadwaynaha ugu qaybsan ciidamada.

Iftikhar ayaa saxaafadda u sheegay in ay haatan ka quusteen dayuuradaha ay dhisto TAI ee loo yaqaan ATAK, isagoo sheegay inay “ka socdeen oo ay Shiinaha dalab u dirsadeen ayna rajaynayaan inay dhowaan helaan.”

Wararka ayaa sheegaya in Islamabad ay soo iibsanayso nooca Z-10ME, oo ah nooca kale ee Z-10 oo la casriyeeyey agabyo cusubna lagu qalabeeyey, waloow matoorkeeda la yara saluugayo.

Pakistan ayaa 2018 dalbaday 30 xabbo oo ah dayuuradaha T129 ee Sahanka Taatikaysan iyo Weerarka ee loo yaqaan ATAK, balse waxaa matoorkeeda iska leh LHTEC, oo ay ku midaysan yihiin British Rolls Royce iyo Honeywell oo iyadu Maraykan ah, iyadoo shirkadaha Maraykanka ay waajib ku tahay inay rukhsad ogolaansho ah kasoo qaataan DF Maraykanka marka ay wax iibinayaan.

Washington, ayaase waloow ay beri dhowayd fasaxday in Turkigu uu dayuuradaha ka gado Philippines, waxay ka dhaarteen in sidaas oo kale looga iibiyo Pakistan, iyagoo weli Turkiga ku ciqaabaya iibsiga hannaanka daafac-cireedka S-400 2019-kii, taasoo keentay in Washington ay Turkey ka cayriso barnaamijka F-35 Lightning II.

Yeelkeede, TAI ayaa haatan ku jirta falanka inay samaysato matoor maxalli ah, iyadoo shirkadda TUSAŞ Engine Industries (TEI), u xil saartay samaynta matoor ah nooca TEI-TS1400, kaasoo sidoo kale la saari doono dayuuradda kale ee helakabtarka ah ee T625 ama Gökbey.

Hadalsame Media