DF Somalia & AMISOM oo ku heshiiyey in wax laga bedelo tibxaha Howlgalka Midowga Afrika (Tillaabo la qaadayo)

0

(Muqdisho) 06 Jan 2022 – Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa maanta oo Khamiis ah ku heshiiyey in kooxahooda farsamadu ay dib u eegaan mustaqbalka howlgalka AMISOM, kaas oo waqtigooda la kordhiyey dhowaan lana gaarsiiyey ilaa dhammaadka Maarso.

Wax muujinaya isu-tanaasulka labada dhinac ee beryahan dambe isku maan-dhaafsanaa qaabka uu noqonayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa u muuqda inay isku afgarteen qodobbada aasaasiga ah, oo ay ka mid tahay in mustaqbalka howlgalku lahaado qaab maalgelineed oo la saadaalin karo, iyo in wax kasta oo yimaada diiradda la saaro la dagaallanka al-Shabaab iyo wixii kale ee ka macaasha argagixisada Soomaaliya, sida ku qoran tibxaha heshiiska.

Shir ay yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Maamul ee Midowga Afrika iyo wakiillo ka socdey howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa waxaa guud ahaan la isku raacay in kooxaha farsamadu ay billaabaan wada hadal laga bilaabo 10-ka Janaayo kuwaasoo qaadanaya muddo 30 maalmood ah.

Kooxaha farsamada ayaa markaas dib u soo gudbin doona warbixintooda oo la horgeeynayo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika laga bilaabo 11-ka Febraayo, si ay u ogeysiiyaan qaabka dhabta ah ee uu howlgalku noqon doono.

Go’aankan oo lagu sheegay war-murtiyeed ay dhinacyadu si wadajir ah u soo saareen maanta oo Khamiis ah, ayaa yimid kaddib markii wefdiga guddiga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay, Alhaji Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ay Muqdisho kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan DF, Wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa amniga gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur. Waxaa kale oo kulanka xaadiray madaxa AMISOM, oo ah diblumaasi u dhashay Mozambique, Francisco Madeira iyo saraakiisha sarsare ee ciidamada AMISOM.

Qorshaha kala guurka – Waxay isku raaceen in Soomaaliya ay dib u soo gudbiso Qorshaheeda kala guurka, dukumeenti markii hore la horgeeyay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika bishii Febraayo, taasoo ku doodaya in AMISOM ay sii joogto illaa 2023-ka, iyadoo Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah u qaadaneyso waajibaadka ammaan ee ilaalinta goobaha la xoreeyay.

Koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kala socota Dowladda iyo AU ayaa dib u bilaabi doona wada-hadallada 10-ka Janaayo waxayna soo dhammaan doonaan Febraayo 2022.

Labada dhinac, ayaa war-murtiyeedka lagu yiri, waxay qireen “baahida loo qabo dib-u-qaabaynta Hawlgalka” waxayna aqoonsan yihiin “baahida loo qabo in Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya loo helo hannaan maalgelineed oo la hirgelin karo islamarkaana waara.”

AMISOM, oo la sameeyay 2007-dii si ay ula dagaalanto al-Shabaab, ayaa ku jirtay in ka badan 13 sano tiiyoo ay halista xagjirku ay sii jirto weli, laakin in kasta oo labada dhinacba ay qireen doorka Howlgalka ee ka guulaysiga maleeshiyada Shabaab ee laga xoreeyey magaalooyinka muhiimka ah ee waawayn sida Muqdisho iyo Kismaayo, misna Soomaaliya waxa ay ku doodaysaa in ay u baahan tahay in ay la wareegto mas’uuliyadda iyada oo horumarinaysa tayada ciidamadeeda oo haatan ah kuwo aan u qalabaysnayn una qaabaynayn sidii ciidan qaran oo xajmi, xirfad iyo karti leh.

Midowga Afrika ayaa u muuqda mid aad uga feejigan in si deg deg ah loo gacan geliyo ammaanka dalka, iyagoo sabab uga dhigaya khatarta Al-Shabaab oo weli ka talisa dhul baaxad leh oo baadiyaha u badan.

Dhanka kale, madaxda Somalia ayaa lagu dhaliilayaa inaysan weli muujinaynin mas’uuliyad, rabitaan iyo bisayl heer qaran ah oo keeni kara in Somalia noqoto dal lagu hallayn karo ammaankeeda.

AMISOM ayaa sidoo kale lagu dhaliilaa inay ka faa’iidaysanayso xaaladda ammaan ee dalka iyadoo ragaadinaysa dib usoo kabashada hay’aadka ammaan ee maxalliga ah iyo inay yihiin dano badan isku dhex jirta oo aan lahayn hab-raac ay ku wada dhaqmaan, sida ka muuqata hab-dhaqanka dalalka qaar sida Kenya & Itoobiya oo xurgufo istaraatiji ihi ay Somalia kala dhexeeyaan.

Hadalsame Media