Maxaa ka jira in shirkad cusub lagu wareejiyey ururinta dakhliga hawada Somalia (Yaa hadda dakhligaa ururiya?)

0

(Muqdisho) 06 Jan 2022 – DF Soomaaliya ayaa beenisay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayey in maamulka hawadeeda ay doonayso in ay ku wareejiso hay’ad shisheeye, xilli dalku uu isku diyaarinayo sare u qaadidda dabaqadda farsamo ee koontoroolka hawadiisa.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Duraan Axmed Faarax, oo ka falcelinayey warar lagu baahiyey qaybo ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshadu ku wada xiriirto ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah.

“Dowladda Soomaaliya ayaa maamusha hawada, wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee ku saabsan wareejinta maamulka hawada dalka waa been abuur.” ayuu yiri Faarax.

Iyadoo eedeymahaasi ay soo baxayeen, ayaa waxaa la helayaa xogo ku saabsan in Shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ay u soo jeedisay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya (SCAA) in la siiyo qandaraas ay ku qaadaneyso ururinta dakhliyada duulimaadyada yimaada iyo kuwa dul mara Soomaaliya iyo lacagaha la xiriira.

Waqtiga xaadirkan, Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA), urur ganacsi oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah ayaa u xilsaaran ururinta khidmadaha.

Shirkadaha Vector Airport Systems iyo Gossamer Crossing ee fadhigoodu yahay Washington, ayaa waxay soo jeedin u direen SCAA 2021 si ay ula wareegaan ururinta khidmadaha duullimaadyada iyo soo degista ee garoommada hoos yimaada awoodda SCAA iyo ‘kharashyada kale sida kastamka iyo baarkinka diyaaradaha.

Sida ku cad soo jeedinta, labada shirkadood waxay xaq u yeelan doonaan 20% dhammaan dakhliga ay ku ururiyaan magaca SCAA. Heshiis 1995-kii dhex maray ICAO iyo IATA ayaa lagu wareejiyay mas’uuliyadda arurinta khidmadaha IATA iyadoo wakiil ka ah Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray loollan dhanka khidmadaha ah oo u dhexeeyay IATA, SCAA iyo shirkadda maamusha dekedaha ee Turkiga ee Favori LLC oo ay Dowladda Soomaaliya halkaa ku wareejisey sannadkii 2013-kii si ay u maamusho Garoonka Diyaaradaha ee Cade Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo laftiisu ah heshiis aan daah-furnayn.

Dhanka kale, qorshaha dib u habeynta hawada Soomaaliya ee haatan taagan heerka G balse A la gaarsiinayo 27-ka Janaayo ayaa waxaa diiday ICAO iyadoo daliishanaysa in ay jiraan iimo farsamo oo aanu dalku weli buuxininin shuruudaha caalamiga ah ee qabashada adeegyada noocan ah oo u baahan raasumaal dad iyo agab gaar ah.