Maxaa ka taagan Muqdisho maxaase ka maqan?!! Faalo micne badan oo bixinaysa sawir mug leh

0

(Hadalsame) 05 Jan 2022 – Maxaan ku arkay Muqdisho?!!

Waxaa magaalada Muqdisho iigu danbeysay bartamihii bishii Noveber sanadkii 2010kii. Waxaan ka soo tagay magaalo ay dagaalo xooggan ka socdaan. Ciidamadii Al-Shabab iyo kuwii kale ee Islaamiyiinta ee dowladda ka soo horjeedayna laga celcelinayay inay qabsadaan jidka Makka al-mukarama, gaar ahaan aaga xaafadda Siigaale ee Degnada Hoddan.

Waxaan xusuustaa todobaad ka hor intii aanan ka soo tagin magaalada, in rasaas ka soo dhacday dhinaca ay naga xigeen maleeshiyadii Islaamiyiinta ay ku soo dhacday gaarigeyga oo uu ila saaraa xilligaa saaxibkeey Maxamed Ibrahim Macalimuu oo hadda ah Afhayeenka Xukumadda Rooble. Waxaan mareynay wadada shaqaalaha. Waxay jebisay muraayadda dhinaca dambe ee gaariga. Ilaah wuu naga badbaadiyay!!.

Waxaan ka soo tagay magaalo haddii aadan habeen maqal habeenka xigga aad maqleyso madaafiicdii ay ridayeen ciidamada AMISOM iyo kuwii Ethiopia ee loogu jawaabayay hoobiyeyaasha kooxaha muqaawamada.

Laba bilood un ka hor xilligaa aan soo tagayay bishii September oo aan la shaqeynayay BBCda laanteeda afka Ingiriisiga iyo wakaalado kale oo aan afka Ingirisiga wax ugu qori jiray, ayaa waxaan qoray maqaal aan cinwaan uga dhigay “Xasuuq Tartiib Tartiib uga socda Muqdisho” Halkan guji:

Xilligaas Taangiyadii AMISOM ayaa rasaasta ka ridayay Isqoygska dabka. Dad badan oo shacab u badan oo ay caruur, haween iyo waayeel ku jireen ayaa maalin walba ku dhimanayay madaafiicda aan loo meel dayin.

11 sano, oo aan magalada ka maqbaa Maxaa isbedel ah oo aan ugu tagay ?

11 sano ka dib oo aan magaalada ku soo noqday waxaan ugu tagay isbedel weyn oo xagga nolosha iyo amniga ah. Hadii aan qodobeeyo waxyaabaha aan ugu tagay magaalada:

• Dad booteynaya oo aan dagaal diyaar u ahayen: Dadka Muqdisho oo qaar badan oo ka mid ah ay hadda nolol macaan u bilaabatay, una badan dhalinyaro ayaan diyaar u aheyn dagaal kale oo magaalada ka dhaca. Wey adagtahay in dhalinyarada qaab qabiileysan ama dowladeysan looga dhaadhiciyo inay dagaal qeyb ka noqdaan.

• Dad lexjeclo ay ka heyso dowladnimada: Waxaan Muqdisho ku soo arkay dad jecel dowladnimada laakiin aan kalsooni badan ku qabin inay helayaan hogaan daacad ah. Dadku waxay isku raacsanyihiin in dowlad xun ay dhaanto dowlad la’aan. Waxaan la kulmay askari ilaalo u ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, waxa uu ii sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu ka qeyb qaato dagaal danbe oo Muqdisho ka dhaca, markii aan sababta weydiiyay wuxuu ii sheegay in dowladnimadu uga wanaagsantahay, nidaamkii qabiilka iyo hogaamiye kooxeedka oo uu horey askari ugu ahaa. Wuxuu askarigaasi ii sheegay isagoo xoojinayay faa’idada dowladnimada in isagoo ku jira aag oo dowladda rasaas ku ridaya ay fariin u soo dhacday mobilkiisa, fariintaasna ay aheyd lacagtii Mushaarkiisa ee bishaas.

• Musuqa lagu sameeyo hantida dadweynaha oo magaalada ka muuqda: Waxaan magaalada ku arkay dhismayaal qurux badan iyo guryo si casri ah loo dhisay. Inkastoo aanan arkin dukumintayada la’haanshiyaha dhismooyinkaas hadana dad aan ku kalsoonahay oo aqyaarta magaalada ah ayaa ii sheegay in qaar badan oo ka mid ah dhismooyinkaas ay leeyihiin masuuiyiin dowladeed oo la ii magac dhabay, gaar ahaan wasiiro, agaasimayaal, gudoomiyeyaal degmo, taliyeyaal iyo xitaa agaasime waaxeedyo aanu mushaarkooduba ku filneyn nolosha maagaalada.

• Nolol Habeenkii Ka jirta Muqdusho: Waxaa kaloo aan magaalada ku soo arkay nolol habeenkii ka jirta. Hotello ilaa waagu ka baryo furan. Makhaayado iyo goobo lagu qaxweeyo oo aan albaabada loo laabin. Bajaaj shaqeyneysa habeenkii oo dhan oo aad saqda dhexe arkeyso iyagoo sida dhalinyaro wiilal iyo gabdhaba leh oo si qurux badan u labisan. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada habeenkii caweeya ee taga meelo ay ka mid tahay xeebta Liido, iyo hoteello ku dherersan, waxay ii sheegeen inay ka yimaadeen magaalooyinka Somaliland, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galebeed iyo Gedo. Waxaa kaloo aan arkay dhalinyaro ka timid Killilka shanaad ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia iyo kuwo ka noqday Qurbaha. Waxaa magaalada ku batay goobaha lagu cayaaro kubadda cagta oo ilaa iyo saqda dhexe furan oo ay dhalinyaradu ku cayaarto. Hotello iyo goobo music live ah lagaga caweeyo.

• Dhismayaal Qurux badan: Magaalada waxaa laga dhisay hotello iyo guryo aad u qurux badan. Qaar ka mid ah hotelada Muqdisho standardka ama heerka ay gaarsiisanyihiin waxba ma dhaamaan kuwo dalalka horumaray, xagga bilicda, adeegga iyo nadaafadda. Waxaa la ii sheegay in qurxinta iyo naqshadeynta dhismooyinka ganacsi ee Muqdisho inay sameeyaan dad u dhashay Yemeniyiin, Syrian, Hindi, iyo dhalinyaro aan badenyn oo Soomaali ah oo ka bartay farsamada qurxinta iyo naqshadeynta.

• Magaalo Leh Xeyndaabyo Amaan: Magaalada waxaa ku yaal Shan aag oo xeyndaab ah oo lagu gooyay dhegxaan iyo jid gooyooyin waaweyn oo amaankooda aad loo adkeeyo. Xeyndaabka 1aad ee ugu addag, waa aagga Airportka Muqdisho iyo Xelane oo ay degenyihiin Qaramada Midoobay, Midowga Africa, iyo hey’ado reer galbeed u badan. Qeybtaasi wey adagtahay inuu galo qof aan lagu casuumin ama aan wadan aqoonsiyada shaqo ee hey’adaha deggan. Xeendaabka 2aad waa aaga Madaxtooyada iyo deegaanada ku xeeran, oo ay maraan oo kaliya gawaaridda ay wataan saraakiisha iyo shaqaalaha sar sare ee dowladda. Aagga 3aad waa jidka ka baxa KM4 ee gala Airportka Muqdisho. Waxaa aagaasi ku yaala Hotel Jazeera oo ay fariistaan siyaasiyiin u badan mucaaradka, waxaa aagaa deggan inta badan xubnaha Midowga Murashixiinta Madaxweyne. Aaga 4aad waa Xamar Weyne gaar ahaan qeybta uu degganyahay maamulka Gobolka, Aaga 5aadna waa qeybta xeebta Liido oo ay ku yaalaan dhowr hotel, inkastoo aagaasi uu kuwa kale kaga duwanyahay in maalintii loo ogolyahay mooto bajaajta iyo rakaabka saran inay maraan.

• La taliyaal hey’ado dowladeed oo fara badan: Waxaan magaalada ku soo arkay dad mushaar ka qaata deeq bixiyeyaasha oo loo shaqaaleeyay inay caawiyaan hey’adaha dowladda. Dadkaasi badankood waxay ka tageen qurbaha, qaar badan oo ka mid ah wax fikrad ah xitaa kama heystaan shaqada hey’adda ay la taliyaan, qaar badan oo ka mid ah waxay si hoose u shaqaaleysiisteen dhalinyaro reer Muqdisha ah oo warbixinada iyo xisaab celinta laga rabo u qora ama kala shaqeeya. Shaqadaasi waxay ka mid tahay kuwa ugu mushaarka fiican ee ugu dhibka yar ee ay inta nadan qurba joogta ku noqoneysa dalka baadi goobayaan.

• Magaalo Ay Dabaqado ka Abuurmeen: Magaalada waxaa kuwada nool dad barakacayaal ah oo ku nool dawarsi, deeqo ay ka sugaan hey’adaha iyo adeegyo hoose oo nadaafadda iyo kaba caseynta isugu jira oo aan joogta aheyn oo ay qabtaan. Waxaa kaloo ku nool dad noloshoodu ku tiirsantahay lacagaha ay u diraan eheladooda dibadda ku maqan. Ganacsato marba marka ka danbeysa sii taajiraya, shaqaale hey’adeed, iyo kuwa dowladda. Muqdishu waxaan ku arkay makhaayado ku yaalla aagagga ay degentahay dowladda, oo aan uga qadeeyay lacag gaareysa $21 dollar, taasoo ka badan midda uu qof uga qadeeyo magaalada Washinton D.C oo aan ka tagay. Koob shaah ah oo aan ku cabay $4 dollar. Waxaan dhanka kale, meel ku dhow suuqa bakaaraha aan qado midda makhaayadaasi ka fiican aan uga cunay wax ka yar $3 dollar. Markii arintaas aan ganacsatada wax ka weydiiyay waxaa la ii sheegay in kuwa aagga dowladda ku yaala ay macaamil u yihiin siyaasiyiin iyo shaqaalaha hey’adaha oo aan dhinacyada kale ee magaalada tagin amaankooda dartii.

• Ganacsato Aan ka Baqeyn Qaraxyada: Waxaan magaalada ku arkay ganacsato isku kalsoon oo aan ka baqeyn qarax loo geysto goobahooda. Waxaan soo arkay hotello iyo goobo lagu shaaho oo sanado ka hor dhegxaan iyo ilaalo lahaan jiray oo hadda ay hor fadhiyaan laba askari oo qofka galayaa baaraya un. Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa arintaa iigu macneynay isafgarad dhex maray milkilayaasha goobahaas iyo al-Shabab oo canshuurta ka qaadata taa bedelkeedana u damaanad qaaday inaysan weerareyn. Qaar ka mid ah saraakiisha dowladda oo aan arintaas weydiiyay maysan beenin mana rabin inaan afkooda ka soo xigto.

• Isbedelka Cuntada Magaalada: Inkastoo aysan isbedelin cuntaddii macaaneyd, Malaygii Freshka ahaa, hilibkii subax qalka ahaa, qudaartii udgooneyn, caanihii arroor liska ahaa ee magaalada ay caanka n ku aheyd, hadana waxaa ku soo kordhay, digaag laga keenay Barazil oo Muqdishu lagu cuno, iyo farsamooyin cusub oo cunta kariska ah oo qurbaha laga soo minguuriyay.

• Adeegsiga Tiknolojiyadda oo sii Xoogeysanaya: Waxaan Muqdisho ku soo arkay adeegsiga Tiknilojiyadda Casriga ah oo sii kordhaya. Intii aan joogay Muqdisho halmar oo kaliya ayaa isheydu qabatay lacagta Shillingka Somaliga ee uu kunka shilling ka dambeeyo, inkastoo la ii sheego in magaalada laga isticmaalo. Taa bedelkeed waxaan isticmaalayay adeegga shirkadda Hormuud ee Evc oo aan dollar ahaan u isticmaalayay. Magaalada oo dhanna ay u isticmaasho wax kala iibsiga. Waxaa ku yaalla Bangiyo aad lacagta dhigan karto kalana bixi karto, Machinada ATMka ee lacagaha, supper Marketyo casri ah, iyo adeeg taksi oo Rakaab loo yaqaan oo App internetka ah ku shaqeeya.

Hadaan soo xeeriyo faaladeyda, Muqdisho waa magaalo qurux badan, dad qalbi wanaagsan oo Samir badan leh, laakiin u baahan damaanad dhinaca amaanka ah iyo hogaan daacad ah oo ka shaqeeya.

W; Q: Max’ed Colaad Xasan

Hadalsame Media