Maxaa lagu haystaa Hay’adda Duulista maxaase soo kordhaya haddii ay Somalia u dallacdo Class A? ICAO oo hadashay

0

(Hadalsame) 05 Jan 2022 – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta duulista hawada ee ICAO ayaa ka codsatay Soomaaliya in ay dib u dhigto qorshaheeda ku aaddan sare u qaadista heerka dabaqadda hawadeeda iyada oo xustay in dalku aanu weli buuxinin heerarka caalamiga ah ee waajibka ku ah kala-guurka noocaas ah.

Warqad ku taariikheysneyd Diseembar 16, 2021 ayay Hay’adda Duulista Hawada Adduunka (ICAO) waxa ay su’aalo ka keentay in Soomaaliya ay awood u leedahay in ay ka hirgeliso kor u qaadida heerka hawadeeda oo haatan G oo loo dallacsiinayo, A marka la gaaro Janaayo 27, 2022.

Darajada G waa kan ugu hooseeya marka la eego abla-ablaynta ICAO, waxaana lagu bixiyaa adeegyada macluumaadka duulista oo qura, balse marka A loo dallaco waxaa kusoo darsamaya adeegga loo yaqaan ATC oo ah in gacanta lagu wada dhigo koontoroolka hawada oo toos ay u wada hadlaan duulliyeyaasha iyo garoomadu.

“Waxaan ku heshiinnay in walaac xooggan uu ka jiro qorshaha kala-guurka oo haddii aan wax laga qaban ay abuuri doonto xaalad keenaysa ammaan-darro aad ah marka la eego taariikhda la hirgelinayo ee Jannaayo 27, 2022,”  ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska ICAO ee Bariga Afrika oo sidaa u sheegay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA).

ICAO oo ka soo horjeeda kala guurka ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ka jirin shaqaale u qalma bixinta adeegga ATC isla markaana uu jiro hal tababare oo shaqada ku jira oo la filayo in uu tababaro shaqaale kale isla markaasna uu si buuxda uga shaqeeyo adeegga ATC, taasoo caqabad ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale su’aal gelisay helitaanka kaabayaasha daruuriga ah ee lagama maarmaanka u ah in lagu oggolaado doorka adeegga ATC ee hawada Soomaaliya.

“Iyada oo ay xaddidan tahay awoodda shaqaale aqoon iyo mug leh si ay u bixiyaan adeegyada ATC ee qaybta enroute oo ah marka uu safarku socdo, waxaa lagu talinayaa in si buuxda loo hirgeliyo bixinta ATC dib loo dhigo ilaa inta laga dhisayo kartida shaqaalaha.” ayay ku doodday ICAO.

ICAO waxa ay sidoo kale ku boorrisay SCAA in ay diyaariso qorshe kala guur ah oo cad oo leh marxalado muhiim ah, ahdaaf iyo sida lagu gaari karo kahor inta aan loo gudbin talaabada xigta.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media