Kulan ballaaran oo dhexmaray Madaxa Xukuumadda, Maamullada & beesha caalamka (Maxaa laga hadlay?)

0

(Muqdisho) 04 Jan 2022 – Kulan ballaaran ayaa dhexmaray Madaxa Xukuumadda Xil-gaarsiinta ah, RW Rooble, Madaxda Maamullada & beesha caalamka, kaasoo ku qabsoomay Teendhada Afisyooni.

”Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW.

”Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

”Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.” ayaa la raaciyey.

Kulankan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii uu furmay shir u soconaya Madaxa Xukuumadda & Maamul-goboleedyada oo Muqdisho ka socda.

Hadalsame Media