”Haddii la i doorto Faransiiska waan ka saarayaa NATO waxaana olog ka dhiganayaa Ruushka!” – Musharrax ruug caddaa ah

0

(Paris) 04 Jan 2022 – Hoggaanka Xisbiga bidix ee Faransiiska iislamarkaana rajada ka qaba madaxweynenimada dalkaasi ayaa ku baaqay in waddankiisu ka baxo isbahaysiga NATO, isagoo daaha ka qaaday inuu Ruushka u arko saaxiibka Paris halkii uu ka ahaan lahaa cadow.

Hogaamiyaha xisbiga bidix ee La France Insoumise (France Aan la Loodin), Jean-Luc Melenchon, ayaa la wadaagey aragtidiisa ku saabsan dagaalka cusub ee qaboow iyo moowqifka Faransiiska mar uu wareysi dheer siiyay raadiyaha France Inter, Isniintii.

Melenchon oo sii faah faahiyay qodobadii uu ku sheegay waraysigaas oo uu kaga hadlay bartiisa twitter-ka ayaa sheegay in waddankiisu uu ka qayb qaato dedaallada lagu doonayo in lagu “dejiyo” xaaladda caalamiga ah halkii uu Washington ku raaci lahaa dagaal cusub oo qaboow oo ka dhan ah Shiinaha iyo Ruushka.

”Ka bixitaanka isbahaysiga NATO guud ahaan waxay faa’iido u yeelan doontaa Faransiiska, maadaama aysan ka mid noqon doonin “tacaburka ciidan” ee Maraykanka,” ayuu aaminsan yahay Melenchon.

“Waan ka baxayaa NATO. Waxaan u baahan nahay inaan xaaladda dejinno. Haddii aan ka baxno NATO, nalakuma jiidi doono dagaalka qabow ee Maraykanku ku hayo Ruushka iyo Shiinaha,” ayuu raaciyey.

Siyaasigan ayaa sidoo kale sheegay inuu u arko Ruushka inuu yahay saaxiibka Faransiiska halkii uu ka ahaan lahaa cadow.

“Ruushka waa jaal. Kuma raacsani in aan cadow ka dhigo. Waxaan keennay 10 waddan oo NATO ah oo ku yaal bariga, taas oo loo arkay khatar ka timid Ruushka. Gaar ahaan marka aad ku rakibto nidaamyada ka hortagga gantaallada gudaha Poland,” ayuu yiri siyaasiga.

Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in ay ka soo horjeedaan qorshe kasta oo ku aaddan in Ukraine ay ku biirto NATO. Tallaabadan oo kale waxay sii wiiqi doontaa xaaladda amniga Yurub, maadaama ay lama huraan u tahay Moscow inay u aragto “halis” cusub oo ka dhan ah iyada, ayuu ku dooday.

Siyaasigan ruug caddaaga ah ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu u tartamo xilka madaxweynaha doorashada soo socota ee Abriil. Intii lagu guda jiray doorashadii madaxtinnimo ee ugu dambeysay ee Faransiiska, Melenchon wuxuu ku guuleystay ku dhawaad ​​20% codadkii la dhiibtay wareegga hore, si kastaba ha ahaatee, uma uusan soo bixin wareega labaad.

Hadalsame Media