Farqiga istaraatijiga ah ee u dhexeeya madaxda Somalia & tan Kenya oo markale muuqday (Daawo)

0

(Hadalsame) 04 Dis 2021 – Somalia oo haatan fasalkii 3-aad oo xiriir ah aanu roobku u di’in sidii looga bartay isla markaana ay marar badan horay u dhacday inay xitaa guraan ama biyo yareeyaan webiyada dalku abaar guud oo gobolka ka jirta awgeed, ayaa u baahan xal deg deg ah.

Waxaa dad badan ka yaabinaya sida aysan u jirin siyaasad degaan oo Somalia ka shaqeeysa, waloow caadiyanba aysan siyaasadda Soomaalidu u qaabaysnayn inay diiradda saarto ummuuraha xiriirka tooska ah la leh nolosha bulshada oo inta badan laga hadlo kursi hebel qofka fadhiya, taasoo ah ruwaayad ay shacabka laftoodu u raxleeyaan iyagoo riix badan ku qaba oo raaxo badani ku seegtay.

Somalia oo ay haatan 80% abaari saamaysay sida ay sheegtay DF Somalia, ayay ugu yaraan 3 milyan oo qofi u baahan yihiin quud deg deg ah, sidaa ayayna kusoo noqotaa sanad kasta.

Waxay sidoo kale Somalia ka mid tahay meelaha tusaalaha looga dhigto isbeddelka cimilada ee dunida ka jira, balse nasiib xumo ma jirto wax siyaasad ah oo ugu yaraan xitaa hollinaysa sida dib loogu celin karayo sida ay wax u soconayaan (reversing the trend).

Sida aad sawirradan ka aragtaan, inta lasoo dhameeyey kaymihii caadiga ahaa oo ay gobolladii dalka ugu howdsanaa sida Jubbooyinku lama degaan noqdeen, ayaa waxaa haatan la jarayaa geedihii yaraa ee ka baxayey laamiyada dhinacyadooda.

Soomaalida oo ah ummad Islaam ah waxaa ku khalad ah in degaanka la kharribo oo lasii wado camal keenaya burbur guud oo bay’o oo haatan ku dhow heer aan waxba laga qaban karin, weliba qolada ugu badan ee dhuxusha dibedda u dhoofisaa waa Al Shabaab oo sheega inay shareeco wax ku xukumayaan, shareecaduna ma ogola in degaanka la kharribo.

Sawir laga qaaday xadka haatan u dhexeeya Somalia-Kenya ayaa wuxuu muujinayaa farqiga aadka u wayn ee istaraatijiyad ahaan u dhexeeya madaxda Kenya iyo kuwa Somalia amaba guud ahaan sida ay u kala wajahaan bay’ada iyo dhowristeeda. Halkan ka akhri.

Dhanka Kenya wuxuu sawirku muujinayaa dhul cagaaran oo doog ah, halka dhanka Somalia ay haari ka muuqato oo uu u egyahay lama degaan laga guurey oo aysan nololi ka jirin.

Hadalsame Media