”Waa sawir muujinaya nacasnimada madaxda Somalia!” – Sawir laga qaaday ”xadka” Somalia-Kenya oo mudan in aad looga fikiro

0

(Hadalsame) 20 Nof 2021 – Sawir dhanka cirka laga qaaday oo laga sawiray ”xadka” Somalia iyo Kenya ayaa muujinaya arrin muhim ah oo ay tahay inay aad uga fikiraan Soomaalida iyo madaxdeeda bilaa ra’yiga ah.

Sawirkani wuxuu muujinayaa farqiga aadka u wayn ee istaraatijiyad ahaan u dhexeeya madaxda Kenya iyo kuwa Somalia amaba guud ahaan sida ay u kala wajahaan bay’ada iyo dhowristeeda.

Dhanka Kenya wuxuu sawirku muujinayaa dhul cagaaran oo doog ah, halka dhanka Somalia ay haari ka muuqato oo uu u egyahay lama degaan laga guurey oo aysan nololi ka jirin.

Nin shisheeye ah oo weliba caddaan ah ayaa soo qoray sidatan: ”Sawirkan oo ah xadka Somalia iyo Kenya wuxuu si iskii ah u sharraxayaa sida ay doqomo u yihiin hoggaanka Soomaalidu,”

”Waxay geedohoodii u jarayaan si ay shiishad ugu cabaan dadka Bariga Dhexe halka ay iyagu hadhoow abaar la daalaa dhacayaan.” ayuu raaciyey.

Halka sawirka laga qaaday waa xadka uu Maamulka Jubbaland, oo ah meesha qura ee haatan dhuxul laga dhoofiyo Somalia oo idil, ay xad kala leedahay Kenya, iyadoo Madaxwaynaha maamulkaasi uu xitaa diidey xayiraad ay soo rogtey QM.

DF Somalia ayaan iyaduna wax dedaal ah oo micne leh ku bixin jarista geedaha iyo dhoofinta dhuxusha sida inay cadaadis caalami ah saarto dalalka dhoofsada ama xitaa ciidamada AMISOM ee Kismaayo oo laga dhoofiyo fadhiya, iyadoo ay Somalia haatan ka socoto doorasho qaali ah oo laaluush aad u badani ku baxayo xilli ay lacagtaa u baahan yihiin malaayiin Soomaali ah oo macluulsan.

Hadalsame Media