QOOL BIR AH: Madaxda shirkani u furmay oo dhowr arrimood oo muhim ah looga fadhiyo

0

(Muqdisho) 03 Jan 2022 – Waxaa Muqdisho si rasmi ah uga furmay shir wadatashi ah oo ay halkaa ku yeelanayaan 5 Maamul-goboleed iyo Gobolka Banaadir, kaasoo uu shir guddoominayo RW Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan oo furmay Teendhada Afisyooni, soconna doona labada maalmood ee soo aaddan ayaa si toos ah loo guda geli doonaa ajandayaal ay ugu door roon yihiin sida; dardargelinta doorashooyinka, amniga iyo sixitaanka habraacyada doorashada.

Beesha caalamka oo ku daashey jiitanka iyo dacwooyinka ku saabsan doorashada haatan socota ayaa dhinacyadan ku cadaadinaysa in aan doorashada oo ay iyadu maalgelinayso lagu soo afjaro muddo 60 maalmood gudohood ah, sida ku cad xogo shirka ku dhow oo uu helayo Hadalsame.

RW Rooble oo isaga loo igmaday diyaarinta doorashada iyo madaxda maamullada ayaa waxaa haatan markale qoorta ugu jira qool bira, maadaama marar badan ay farta ku godeen inuu doorashada xagal-daacinayo MW Farmaajo.

RW Rooble ayaase looga fadhiyaa inuu guntiga dhiisha iskaga dhigo oo la yimaado siyaasad hore-u-socodnimo ku dhisan oo lagu wajaho inta ka harsan doorashada oo haatan sidii hore ka dhow, maadaama la guda galay doorashada Aqalka Hoose.

Waxaa kale oo loo baahan yahay in la soxo qaabka yaqyaqsiga leh ee ay doorashadu u socoto sida inuu qofku keensado malxiis magac u yaal ah, in ay wax doortaan dad wejiyada qarsanaya iyo in qof muwaadin ah sabab la’aan loo diido inuu tartamo, taasoo aan sinaba ku ahayn mid uu qof gaar ihi xaq u leeyahay.

Haddii haddaba ay markale doorashadu ragaaddo oo caga jiiddo, cidda ku eedaysani ma noqon doonto Farmaajo oo qura ee waxaa sidoo kale eedda la wadaagaya dhamaanba ragga uu maanta shirku uga furmay Xamar.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media