Muqdisho oo ay kusoo caariyeen wax la garan la’yahay & arrin lagu arkay (Daawo)

0

(Muqdisho( 02 Jan 2021 – Waxaa Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kusoo caariyey xumbo u eg sidii barafka ka dhaca qaboobaha markii dusha sare laga arkayo, balse ah wax u qaab eg xumbada ka dhalata agabka wax lagu nadiifiyo.

Dadkii goobta tegey ayaa ka sheekeeyey baxaalliyada ay xumbadan ku arkeen qaarkood, waxaana ka mid ah inay cuncunayso halkii ay jirkaaga ka taabato.

DF Somalia & Maamulka Gobolka Banaadir ayaan lahayn wax khubaro ah oo arrimahan oo kale la tacaala iyadoo aanu sidoo kale jirinba ogaal iyo baraaruggii looga fikiri lahaa waxyaabaha noocan ah, iyadoo inta badan ay diiraddu saaran tahay ku takrifalka xoolaha ummadda.

Yeelkeede, dad arrimaha degaanka wax ka yaqaanna ayaa Hadalsame u sheegay inay waxani noqon karaan kiimiko lagu daayey biyaha badda, kaddibna sidan isu bedeley markii ay la fal galeen biyaha cusbada leh ee badda.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media