Maraykanka oo tillaabo ka qaaday 3 dal oo Afrikaan ah oo ay Itoobiya ku jirto (Waxa lagu haysto?)

0

(Washington, DC) 02 Jan 2021 – Maraykanka ayaa dalaka Ethiopia, Mali iyo Guinea ka saaray dalalka galaangalka u leh barnaamijkiisa suuqa xorta ah, kaddib markii uu sidaa ku gooddiyey MW Joe Biden oo dalalkaa u jeediyey eedo ku saabsan ku tumasho xuquuqda insaanka ah iyo afgembiyo dalalkaa ka dhacay.

“Wuxuu Maraykanku maanta baabi’iyey heshiiskii ay Ethiopia, Mali iyo Guinea uga tirsanaayeen heshiiska doorbididda ee AGOA kaddib markii ay dalalkaasi ku tunteen isla tibxaha heshiiskan AGOA Statute,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Waaxda Ganacsiga Maraykanka oo shalay hadashay.

Biden ayaa bishii Nofeembar sheegay in Ethiopia laga saarayo suuqa xorta ah ee dalalka Maraykanka wax u dhoofiya qaarkood, kaasoo la yiraahdo Barnaamijka Fursad Siinta Koritaanka Ganacsi ee Afrika ee AGOA, iyadoo Itoobiya lagu qabsaday ku tumashada xuquuqda aadanaha halka labada dal ee kale ay eedeen afgembiyo halkaa ka dhacay.

Xeerka AGOA ee dhanka ganacsiga ayaa ah mid canshuurta ka caaggan oo la siiyey dalalka Saxaraha ka hooseeya, haddii ay kasoo baxaan dhowr shardi sida ay xannibaadda ka qaadaan ganacsiga Maraykanka iyo maalgashigiisa iyo inay horumar ka sameeyaan dhanka siyaasadda loo dhan yahay.

Safaaradaha 3-dan dal ugu yaalla Washington DC ayaan weli wax war ah kasoo saarin tillaabadan uu Maraykanku qaaday.

Hadalsame Media