Siyaasi ka hadlay arrin uu sheegay inuu shalay “isku dayey” Qoor Qoor & ujeedka uu Xamar u yimid

0

(Muqdisho) 28 Dis 2021 – Siyaasiga Axmed Macallin Fiqi ayaa eed u jeediyey MW Galmudug, Md Axmed Qoor Qoor oo Muqdisho soo gaarey.

“Darraad wuxuu diiday inuu caddeeyo mawqifkiisa ku aadan shirkii madasha wadatashiga ee Raysulwasaare Rooble ku baaqay,” ayuu ku bilaabay.

Fiqi ayaa xitaa eed culus u jeediyey Qoor Qoor.

“Shalay oo dhan wuxuu ku mashquulsanaa in uu baajiyo Shir oday dhaqameed ay ku lahaayeen hotel Hayat, kaasoo looga soo horheedey inqilaabkii miskiinka ahaa ee Farmaajo, wuxuu isku dayay in uu odayaasha qaarkood ka baajiyo shirkaas ka qeybgalkiisa, labadaba waa ku fashilmay.

“Maantay ayuu Muqdisho u yimid kala furfurka dadka midaysan ee ka horjeeda afgambiga Farmaajo, ayana wuu ku fashilmayaa insha Allaah.

“Wuxuu ka jecel yahay waajibkii u yaallay dawlad goboleedka uu madaxda ka yahay oo dhinac walba Shabaab ka hareereeyey inuu ceeb asturo afgambiyaha qaranka, asagoo horayna ka mid ahaa kuwii kiiskii Ikraam Tahliil moora- duugay.

“Waa dhib haddii qofku uusan naftiisa aamin oo uu iska dhaadhacsiiyo hebel haddii tago adna wax kuuma yaallaan.” Ayuu raaciyey.

Ma jirto il dhexdhexaad ah oo ka xaqiijinaysa eedda Fiqi.

Hadalsame Media