Maraykanka oo caddeeyey moowqifka uu ka taagan yahay khilaafka soo cusboonaaday (Far uu ku ku fiiqay…)

0

(Muqdisho) 27 Dis 2021 – Maraykanka ayaa caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan khilaafka ka dhex aloosan madaxda sare ee dowladda xil-gaarsiinta ah.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadista uu xalay MW Farmaajo sheegay inuu ku sameeyey RW Rooble.

“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu kahorjeesto kuwa isku hor gadaamaya jidka nabadeed ee Somalia,” ayaa lagu bilaabay war kasoo baxay Waaxda Afrika ugu qaybsan Wasaarad Dibadeedka Maraykanka.

“Isku dayga xil ka qaadista RW Max’ed X. Rooble waa mid cabsi leh, waxaana taageeraynaa dedaallada uu ku qabanayo doorasho deg deg ah oo la isku hallayn karo. Dhinacyada oo dhami waa inay ka baaqsadaan fal iyo hadal kasta oo kasii dari kara.” Ayay raaciyeen.

Guddi Hoosaadka Senet-ka Maraykanka ayaa iyaguna madaxda Somalia ku tilmaamay daniistayaal tooda eegtayaal ah iyagoo ku baaqay in dhaqse loo qabto doorashada iyadoo aan dib u dhac dambe imanin.

Hadalsame Media