MW Farmaajo oo aan wax ahmiyad hoggaamineed ah u muujinin arrin XASAASI ah oo taagan

0

(Muqdisho) 25 Dis 2021 – MW Farmaajo ayaa haatan wuxuu xilkiisu kusii dhow yahay 5 sanadood, ha yeeshee, waloow uu ahaa ninkii ugu shacbiyad badnaa waxaa muddadaa aad hoos ugu dhacday taageeradiisa oo haatan la oran karo waxaa kaliya kusoo haray qof dan ku haysta iyo mid uun iskaga difaaca aragtidii lagu yaqaanney siyaasad geela Soomaalida.

Ma doonayo in aan maqaalkan ku xuso wax kasta oo shacbiyaddaa dhulka dhigay oo ay ka mid tahay marxaladda uu haatanba dalku marayo oo ana la aqoonin meel uu u socdo, balse waxaan doonayaa inaan yara taabto arrin soo noqnoqota oo ka mid ah taatikada siyaasadeed ee Farmaajo.

Waxaa la yiraahdaa ”ha isku raysato ama hakala raysato anigoon u ruqaansan.”

Waxaan muddadii shanta sano ahayd soo marnay kun dhacdo oo hiyi kac, naxdin, yaab, shoog iyo karaahiyo ku ridey quluubta, balse aan wax dawo ah oo la ogyahay oo hoggaamineed ka helin Villa Somalia.

Dhacdooyinkaas ayaa iskood iskaga qaboobey iyadoo aan wax laga qaban, mana aha dhaqanka hoggaanka fiican, kuwa ugu waayan waxaa ugu horreeysey tii Qalbi-dhagax waxaana ugu dambaysey Qalitaankii Ikraan Tahliil. Waxaa sidoo kale dhacay dagaallo ay dad ku le’deen kuwaasoo qaarna laga hadlay qaarna laga aamusay.

Haatan waxaa taagan abaar saamaysay malaayiin Soomaali ah, balse nasiib darro hay’aadkii DF iyo Madaxtooyadii sare wax qorshe iyo waxqabad ah oo micne leh lagama hayo. Min Madaxtooyo ilaa Xafiiskii Madaxa Xukuumadda oo aan isagana wax wacaal ah laga haynin, marka ay arrintan timaado.

Yeelkeede, taa biddaalkeeda wuxuu Madaxwaynuhu waqtigii ku dhameeyey safarro aan micne badan xambaarsanayn sida midkii ugu dambeeyey ee Istanbul iyo xafladayn aanu dalkuba kharash u haynin marka la eego adeegyada dayacan.

Mase ogi inay Farmaajo la tahay in kharashka dadka laga qaado ama deeq ahaanta dunida looga soo tuugo loogu tala galay xaflado, kolleey taasi waa midda uu muujinayo. Tusaale, maanta waxaa Muqdisho ka dhacday Sanad-guurada asaaskii Booliiska, balse marka laga soo tago kharashaadka halkaa lagu khasirayo ee aan loo baahnayn misna waxaa meesha ku jirta arrintii ugu muhiimsanayd ee uu booliiskuba u samaysnaa oo aan waxba la iska waydiinayn; waa ammaankee.

Dhanka Sanad-guurooyinka la xusayo waa wax laga dhaxlay nidaamyadii kali-taliska ahaa oo aan daruuri ahayn, waayo dunida waxaa maanta ka jira dalal booliis lahaa 3,000 oo sano kahor, misna aan wax sanad-guuro ah u dhigin booliiskooda, si ay u ilaaliyaan dakhliga ummada, ogoobeey in dalalkaasi yihiin kuwa min 2-da gaari ku sadaqaysta booliiskeenna ku xafladaynaya xoolihii ummadda.

Farmaajow talo faro kuuguma jirtee bal fikir oo fikir, haddii aysan kaa ag dhowayn cid fikrad togan kugu biirin karta. Hoggaan iyo madaxnimo looma raadsho in meel lala fariisto ee waa in ummadda wax loogu faa’iideeyaa haddii kale laga fariistaa. Waana arrin aad u culuse la soco. Qofka hoggaanka ihi haddii uu calooshii la cayaar noqdo hoggaan ma aha cidna rabtaana ma jirto.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media