YAAB: Saadaal uu 1953-kii sheegay weriye Talyaani ah oo ilaa maanta ka taagan Somalia

0

(Hadalsame) 25 Dis 2021 – Somalia ayaa waxay ku jirtey Maxmiyadda QM muddo 10 sanadood ahayd min 1950 ilaa 1960-kii, iyadoo koonfurta uu dowladnimo u diyaarinayey gumaysigii Talyaaniga, kaddib markii qaraarkii 250 ee QM ah sidaa lagu guddoomiyey 21-kii Nofeembar 1949-kii, kaddib markii la diidey Britain oo woqooyi iyo koonfurba wada qabsatay Dagaalkii 2-aad, horayna u haysey 2-da gobol ee uu markii dambe siiyey Kenya iyo Itoobiya, kaasoo ahaa khaladkii ugu waynaa ee istaraatiji ah ee ay Somalia ku kacdo.

Somalia ayaa waloow ay xornimo isu diyaarinaysey ayaan misna lahayn dakhli iyo miisaaniyad ku filan oo ay kusii socoto xornimada kaddib. Tusaale ahaan, miisaaniyaddii 1952-53 oo qura waxaa ku baxday 8 bilyan iyo 283 milyan oo Liire, balse lacagaha canshuur ahaan gudaha uga imanaysey waxay ahayd 2 bilyan iyo 533 milyan oo liire, halka 5 bilyan iyo 750 milyan ay Roma ka imanaysey.

Waxay taasi ka dhigan tahay in Somalia ay heli karto dakhli 30% ku filan, waxaana arrintaa si gaar ah uga hadlay weriye la oran jirey Renzo Martinelli oo isla sanadkaa 1953-kii qoraal lafa-gur ah ka sameeyey sida ay Somalia isu maarayn doonto dhaqaale ahaan, xorriyadda kaddib, isagoo sheegay in “Somalia ay dhaxli doonto xorriyad & xasarad wada socda”.

Xitaa haddii aan niraahno waa khayr beele xumaan nala jeclaa, maanta oo hadalka weriyahaa laga joogo 68 sanadood waxay Somalia nidaam ahaan ka wanaagsanayn oo dhanka ay u jeeddo la yaqaanney maalintaas, waayo maanta xor ma ihin gumaysi muuqdana kuma jirno, dal la’aan ma nihin dal aan xukunaana ma jiro, dakhli wuu jiraa meel uu ka baxana lama yaqaan oo Somalia sanad kasta waxay kaalinta 1-aad ka gashaa dalalka ugu musuqa badan dunida.

Tan ugu daranina waxay tahay in arrinta miisaaniyaddu aysan 68 sanadood waxba iska bedelin oo dowlad oo Somalia soo martay 70% amaba mararka qaar wax ku dhow 100% waxay ku tiirsanayd deeq dibadeed.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media