MUQDISHO: Gabar ku jirtey sanadkii ugu dambeeyey Kulliyadda Caafimaadka oo u dhimatay rasaas lagu furay mooto ay saarrayd

0

(Muqdisho) 22 Dis 2021 – Allaha u naxariistee waxa saaka isbitaalka Erdogan ee horey loo oran jiray Digfeer ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furay mooto Bajaaj ay saarnayd.

Gabadha ayaa lagu magacaabi jirey Maryan Maxamad Xirsi taasoo ahayd gabar ardayad ah oo ku jirtay sanadkii ugu dambeeyay ee Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Maryan oo ka soo laabatay tababar caafimaad oo ay ku qaadanaysay Isbitaalka Aadan Cadde 11-kii bishan Diiseembar ayaa ciidan hubeysan waxay rasaas ku fureen mooto bajaaj ay saarnayd oo maraysay isgoyska Falorensa ee degmada Wardhiigley.

Waxaana halkaas ka soo gaaray dhaawac aad u culus oo keenay aakhirkii inay saaka u dhimato.

Maryan waxay ka mid ahayd ardayda Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka, waxayna ku jirtay sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadeeda heerka koowaad ee Jaamacadda.

Waxaa aalaaba soo laalaabta in dadka rayidka ah ay iska xabbadeeyaan isla ciidankii looga baahnaa inay sugaan ammaanka nidaamkana dhowraan, waxaana ku dhowaad 100% dhacda inaan lagula xisaabtamin falkaasi.

Waxaa dhowaan Muqdisho 2 habeen oo is xiga lagu diley 3 dhallinyaro ah oo 2 isla dhalatay oo u wada dhintay rasaas ay ku fureen ciidamada DF.

Hadalsame Media