”Waxaa la jabsaday boggii Facebook ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka!” – SONNA

0

(Muqdisho) 19 Dis 2021 – Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee SONNA, bogga rasmiga ee uu Facebook ku leeyahay taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Odaawa Yuusuf Raage ayaa maamulkeeda lala waeegay, kaddib markii ‘burcad’ dhanka Internet-ka ay jabsatay.

“Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu Dhammaan Bulshada soomaaliyeed la socodsiineynaa in la jabsaday Page-ka uu Baraha Bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Odaawa Yuusuf Raage” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay bogga wakaaladda warraka ee SONNA.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in taliska bulshada uga digayo inaysan ‘kadsoomin farrimaha ay dhici karto inay kaga imaan karaan burcadda jabsatay.’

“Talisku wuxuu hadda Gacanta ku hayaa sidii uu dib ugu soo celinlahaa maamulka bogga gaarka ah ee Taliyaha, insha Allah marka dib loosoo celiyana dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa” ayuu sii raaciyay bayaanka lagu daabacay SONNA.

Cinwaanka Jeneraal Odowaa ayaa ah cinwaan ay xaqiijisay shirkadda Facebook, kaas oo heysta calaamadda saxda ee buluugga ah.

Isha: VOA

Hadalsame Media