Arrin wada khuseeysa dalalka Kenya & Somalia oo walaac laga muujiyey + Sawirro

0

(Mombasa) 19 Dis 2021 – Urur-goboleedka IGAD ayaa dalalka Kenya iyo Somalia ugu baaqay inay qabtaan doorasho awoodda la iskugu dhiibayo si nabdoon iyagoo doorashooyinka ku tilmaamay kuwo tijaabo ah.

Kenya ayaa lagu wadaa inay doorashada u dareeraan Agoosto 9, 2022, halka Somalia doorashadeedu ay jiitamayso iyadoo dhowr mar dib uga dhacday waqtigii loogu tala galay, ilaa haatanna aan si qaab leh ku socon.

Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr Workneh Gebeyehu oo ka hadlayey magaalada Mombasa oo lagu qabtay shir loogu tala galay in dalalka gobolka lagu dhiirriyo inay nabad ku wada noolaadaan ayaa carrabka ku adkeeyey sida loogu baahan yahay in wax kasta lagu dhameeyo sida uu sharcigu ka qabo.

“Doorashooyinka soo socda ee Kenya iyo Somalia waxaa lagu ogaan doonaa heerka ay gaarsiisan tahay in dastuurka looga dhaqmayo gobolka. IGAD ahaan waxaan dalalkan ugu baaqaynaa in la qabto doorasho nabdoon.” ayuu yiri Gebeyehu.

Ninkan ayaa dhanka kale u hambalyeeyey doorashooyin uu sheegay inay horay u qabteen dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo uu isagu muddo dheer hal nin gacan bir ah ku hayo, iyadoo IGAD ay mudadii dowlad la’aanta Somalia ay aad ugu adeegan jireen Itoobiya iyo Kenya.

Hadalsame Media