QM oo Somalia ku tilmaantay dalka ugu daran ee ay ku dhufteen abaaraha Geeska Afrika

0

(Muqdisho) 19 Dis 2021 – QM ayaa ku dhawaaqday in dalka Somalia uu yahay midka ugu daran dalalka ay abaaruhu haatan hayaan ee Geeska Afrika.

Hay’adda QM ugu qaybsan arrimaha bini aadminnimada ee OCHA ayaa tirakoob ay haatan soo saartay ku seegtay in 3.2 milyan oo Soomaali ihi u baahan yihiin gargaar deg deg, iyadoo 66 degmo oo ka mid ah 74 degmo ay abaartu saamaysay.

Sidoo kale, 169,000 ayaa ku barakacay gudaha dalka iyagoo raadinaya baad, biyo iyo daaqsin, iyadoo baaqan oo kasoo bilaabmay tan iyo 23-kii Nofeembar uu tilmaamayo in haatan uu xaalku xasaasi yahay.

Hadalsame Media