Wuxuu Ingiriiska soo galay isaga oo ku dhex dhuumanaya gaari qaboojiye ah haatanna waa musharrax ka tirsan Xisbiga dalka xukuma

0

(London) 19 Dis 2021 – Wargayska RT ayaa waraystay siyaasiga reer UK ee doonaya inuu ka qaybgalo doorashooyinka maxalliga ah isagoo weliba ka sharraxan xisbiga muxaafidka ama Conservatives.

Darius Nasimi ayaa Britain soo galay isagoo ku dhex jiran gaari qaboojiye ah oo tahriib ahaa, wuxuu se haatan isu soo taagayaa kursiga London Borough of Hounslow.

Ninkan ayaa waloow uu afkiisu Faarisi yahay una dhashay dalka Afghanistan, misna marka uu hadlayo waxaa la moodayaa BoJo oo loosoo gaabiyo RW dalkaasi, isagoo leh dhadhanka siyaasadda muxaafidka ah ee xisbiga Torry.

Yeelkeede, waloow uu RW Boris Johnson soo dhigtay dugsiga gaarka ah ee Eton iyo jaamacadda Oxford University, Nasimi qoyskiisu waxay 9 bilood ku dhex lugaynayeen dalkooda iyagoo ka baxsanaya Daalibaan 1999-kii, waana nin leh cilmi ay bareen wacdaraha maalmuhu.

“Waxaan rumaysnahay qiimaha curinta, daah-furka iyo adeegsiga fursadaha la heli karo si guul loo gaaro. Aragtida xorriyadda shakhsiga, dimoqraadiyadda iyo qiyamka British-ka, waana qiyamka aan metelayo.” ayuu yiri Nasimi oo adeegsanaya fan-hadalk siyaasadda.

Hadalsame Media