MW Turkiga oo carrabka ku dhuftay dhibaato Somalia haysata oo uu wax ka qaban doono & lacag uu ballan qaaday

0

(Istanbul) 19 Dis 2021 – Dalka Turkiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay inuu sii wadi doono xiriirka ”qotada dheer” ee uu la leeyahay wadamada Afrika, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta, Fahrettin Altun.

”Maalgelinteenna dhaqaale, xiriirka waxbarasho, iyo isweydaarsiga dhaqameed ayaa markhaati u ah in aan ku qanacsan nahay xiriirka qaaradda,” ayuu yiri Altun oo farriin kusoo qoray Twitter kaddib shir madaxeed ka dhacay Istanbul.

Waxa uu sheegay in Ankara ay ku faraxsan tahay inay martigeliso Shir Madaxeedka 3-aad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika, wuxuuna ku cel-celiyay in qaabka Turkiga uu u wajahayo Afrika uu yahay xoojinta xiriirka Qaaradda iyo sidoo kale sidii loo maalgashan lahaa mustaqbal mideysan.

“Wadamo badan oo Afrikaan ah ayaa wajahaya khatarta argagixisada sida Daacish, Boko Haram, Al-Shabaab iyo kuwa kale, waan sii wadi doonaa iskaashiga dhanka difaaca iyo la dagaalanka argagixisada, waxaanan ka taageeri doonnaa inagoo wadaagayna awoodeena teknolojiyadeed iyo aqoon.” ayuu raaciyey.

Wuxuu xusay qorshe dalkiisa uu ugu deeqayo 15 milyan oo tallaalka coronavirus ah waddamada Afrika iyo in la iska kaashado soo saarista tallaalka TURKOVAC oo gudaha Turkiga lagu sameeyo, isaga oo intaa ku daray in ay calaamad u tahay sida Ankara ay u daneyneyso wanaagga kala dhexeeya Afrikaanka ah oo ah mid aan siyaasad oo qura ku ekayn.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in maal-gashiga dalkiisa ee qaaraddu uu sii kordhayo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ganacsiyadu ay keenayaan natiijooyin wax ku ool ah oo iskaashi dhow iyo isku-duubnaan dhaliya nabad iyo xasillooni.

“Madaxweyne Erdogan waxa uu si joogta ah u soo qaadaa qadiyadda ku saabsan la’aanta matalaad Afrikaan ah dhanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in kasta oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan oo qof,” ayuu yiri Altun, isaga oo tixraacaya baaqa Turkiga ee ah in dib u habeyn lagu sameeyo hay’adda caalamiga ah.

Hadalsame Media