XOG: MW Farmaajo oo si aanu Jabuuti ugu hakan Addis Ababa u maraya & halka uu u socdo

0

(Muqdisho) 16 Dis 2021 – Madaxweyne Farmaajo ayaa goordhow u ambabaxay dalka Turkiga, halkaasoo uga qeyb galayo Shirkii saddexaad ee u dhaxeeya Turkiga iyo Afrika, hoggaamiyeyaal, Wasiiro ka socda 39 dal ka socda Afrika ayaa ka qeyb galaya.

Farmaajo ayaa Muqdisho ka raacay Diyaaradda Ethiopian Airlines oo sii mareysa Addis Ababa, halkaasoo caawa saq dhexe diyaarad kale oo Turkiga aadeysa ka sii raacayo.

”Inkastoo Diyaaradda Turkish Airlines duulimaad toos ah ku tagto Istanbul ayaa la sheegayaa inuu uga baaqsaday, sababo la xiriira inay diyaaraddu 45 daqiiqo ku hakaneyso garoonka diyaaradaha Jabuuti, maadaama khilaaf shaqsi uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sida uu sheegay Cabdicasiis Golf.

Dalalka Somalia & Jabuuti oo ay dad Soomaali ihi wada deggan yihiin ayaa aalaaba xiriir dhow ku naalloon jirey, waloow sanadihii dambe uu khilaaf soo kala dhex galay labada hoggaan.

Hadalsame Media