Ronaldo oo jawaab yaab leh ka bixiyey Bonucci oo aad ugu qayliyey iyagoo ku jira qolka lebbiska (Daawo)

0

(Hadalsame) 15 Dis 2021 – Waxaa la dusiyey muuqaal laga duubay qolka lebbiska Juventus kaasoo uu ka muuqdo Leonardo Bonucci oo dhegaha qaylo ka saaraya laacibiinta Juventus.

”Haddii aan doonayno inaan ku guulaysanno Horyaalka sidan uma ciyaari karno. Marka aan kubadda haysanno sidan oo kale uma ciyaari karno. Haddii aan sidan u ciyaarno waxba qaadi mayno.” ayuu ku qaylinayaa.

Yeelkeede, intaa uu qaylada wado waxaa dadka qolka lebbiska ku jira ka mid ah Cristiano Ronaldo, kaasoo si la yaab leh uga koobiyey ”waa runtiis!”.

Taageerayaasha ayaa siyaabo kala geddisan uga fal-celiyey muuqaalkan iyadoo uu midba meel ku dhufanayo sida uu u arko qaylada Bonucci oo ay qaarkood sheegeen inuu tababarenimo sii barbaranayo iyo jawaabta Ronie.

Hadalsame Media