Dal daroonkii dagaallada loo adeegsanayey ka dhigtay gaadiid dawooyinka lagu daabulo (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 15 Dis 2021 – Gobolka Västerbotten ee dhaca woqooyiga dhexe ee Sweden ayaa markii ugu horreeysey tijaabiyey qorshe daabulitaanka agabka baaritaannada Covid-19  loogu adeegsanayo dayuuradaha aan cidina wadin ee daroonka.

Daroonkan ayaa u kala duulay isbitaallo ku kala yaalla Storuman iyo Gunnarn oo masaafo ahaan isu jira 71 km, balse 53 km ah marka lagu cabiro waxa loo yaqaan masaafo-shimbireedka aan sida sida jidadka u leexleexane tooska ah.

Lea Kristiansson oo ah Agaasimaha Mashruucan ugu qaybsan Gobolka Västerbotten ayaa amaantay tillaabadan daroonka loogu adeegsanayo gaadiid ah maadaama aanu shidaal u baahnayn oo uusan hawada wasakhaynayn.

Waxay intaa raacisay in tijaabooyin badan loo baahan yahay maadaama daroonku uu ku xun yahay oo uusan duuli Karin xilliyada uusan jawigu fiicnayn, balse maadaama uu dhabbe-shimbireed marayo (fågelvägen) ay taasi saamaxayso inuu dhaqse ku tago meeshii loo diro.

Hadalsame Media