DAAWO: Waa mid ah mid ah dayuuradaha weerarka ah ee qumaatiga ah ee dunida ugu casrisan waxaana sameeya dal Afrikaan ah + Sawirro

0

(Pretoria) 15 Dis 2021 – Dayuuradda Rooivalk waa dayuurad qumaati u kacda oo ah nooca weerarka oo soo saaristeeda ay 1981-kii bilowday shirkadda Denel ee dalka South Africa.

Dayuuraddan Rooivalk oo asal ahaan la oran jirey XH-2 oo tijaabooyinka loo adeegsan jirey ayaa duullimaadkii 1-aad ee rasmi ah samaysay 1990-kii, iyadoo noocii xigey ee ADM (Advanced Development Model) ay markiiba howlgashay.

Dayuuraddan oo ay ku qalabaysan yihiin ciidanka cirka ee dalal badan oo ay ku jirto isla Koonfur Afrika ayaa waxaa ku rakiban qoryo culus oo darandoorri u dhaca isla markaana elegtaroonig ah iyo 16 gantaal oo isla dalkaasi sameeyey oo la yiraahdo ZT-6 Mokopa (kuwaasoo u dhigma midka Maraykan-sameega ah ee Hellfire).

Yeelkeede, waxaa la yaab leh in Mokopa uu ka mid yahay gantaalaha taangi dilaha ee ugu xoogga badan caalamka, isagoo gaari kara ilaa 10 km.

Hadalsame Media