”Hallaga fiirsado!” – Muran ka taagan daroonno la sheegay in la siiyey Ciidanka Cirka Somalia

0

(Muqdisho) 09 Dis 2021 – Siyaasiga Cabdirahman Cabdishakur Warsame, ayaa ka digey daroonno uu sheegay inuu Turkigu u keenay Ciidanka Cirka Somalia.

”Muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxda dowladda wuu dhammaaday. Go’aannada dagaalka, ciidanka iyo amniga loogama amar qaadan karo cid aan sharciyad lahayn.” ayuu warkiisa ku bilaabay Warsame.

”Dowladda Turkiga ee aan walaalaha nahay waa in ay hubiyaan waxa loo adeegsanayo darooniska (drones) ay dalka keeneen, saraakiisha loo tababarayo, waana in ay sidoo kale xaqiijiyaan in aan dano shakhsi ah iyo dagaal aan midka argagexisada ahayn loo adeegsanin,” ayuu raaciyey.

Warsame ayaa farta ku fiiqay in tillaabadan ay ku lug lahaan karaan dalal fog iyo kuwa gobolka intaba.

”Maaddaama uu macallinka seddax geesoodka mid yahay, ficilka, tabta iyo fulinta ardayda waa isku mid. Sidoo kale laacibitiinka gobolka iyo kuwa dowliga ah ee ku lugta leh.” ayuu ku dooday.

Ma jirto il 3-aad oo xaqiijisay ama beenisey warkan ah in daroon la keenay sidiisaba.

Hadalsame Media