DEG DEG: Abaanduulkii Ciidanka Hindiya oo ay dayuuradi la burburtay & xaalkiisa (Daawo)

0

(Coonoor) 08 Dis 2021 – Dayuurad kuwa qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Hindiya (IAF) ayaa ku burburtay koonfurta Gobolka Tamil Nadu taasoo uu weliba saarnaa Abaanduulkii Ciidanka Xoogga, Jen. Bipin Rawat.

Sababta shilka iyo tafaasiisha rakaabkii kale ee saarnaa ayaan weli wacaal laga badan laga haynin, iyadoo ay Ciidanka IAF durba sheegeen in “baaris la bilaabay si loo meeleeyo sababta shilka”.

“Dayuurad ah nooca IAF Mi-17V5 oo uu la socdey CDS Jen Bipin Rawat ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada Coonoor, Tamil Nadu,” ayay Twitter kusoo qoreen Ciidanka Cirku.

3 qofood ayaa ilaa haatan shilkaa laga badbaadiyey oo isbitaalna loo qaaday, sida ay sheegayso idaacadda dadwaynaha ee Doordarshan. Lama sheegin in uu Abaanduulku badbaadey iyo in kale.

Yeelkeede, siyaasiga Rahul Gandhi ayaa soo qoray war muujinaya in Abaanduulka iyo xaaskiisu ay diyaaradda wada saarnaayeen oo ay dhaawac yihiin.

Hadalsame Media