Siyaasi ka digey waxa dhici kara haddii lasii wado qaabka ay ku socoto ”dooqashada Somalia”

0

(Hadalsame) 08 Dis 2021 – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur, ayaa falanqayn kooban oo dhaliil ah ka sameeyey qaabka ay haatan u socoto wax lagu sheegay doorasho dadban oo cillado aad u fara badani kasoo baxeen.

Marka laga soo tago musuqa iyo lacagaha la kala qaadanayo oo awalba jiri jirey balse u baahnaa in wax laga qabto, waxaa haatan soo korodhay in uu qof isa siiyo awood uusan xaq u lahayn oo ah inuu doorashada dhanba u diido qofkii aanu doonaynin.

Warsame ayaa soo qoray: “Ruuxa tartama ee laga guulaysto, xanuun guuldarro oo keli ah ayuu, laakiin haddii tartanka loo diido, ama la xoogo, waa ciishoodaa, ciilkuna wuxuu keenaa aargudasho, waana tan sababaysa colaadda iyo in wixii yaraa ee inoo dhoobdhoobnaa ay dumaan, lana waayo cid u ooyda, kolkaana kii wax boobay, kii la boobay iyo kii ku fiirsadayba ay cidla isku warsadaan,”

”Waa hubaal kii wax boobay iyo kii la boobay maalinta berri inay meel bannaan isku war-sadaan ama madal iyagoo wada jooga la arko, sida horay u dhacday, dad badan oo mutakabir ahaa oo la arkay iyagoo meel cidlo taagan.” ayuu raaciyey.

Warka siyaasigan ayaa raacaya qayladhaanno hore oo kasoo baxayey dhinacyo kala duwan oo ku saabsanaa in mas’uuliyad & garasho la muujiyo inta goori goor tahay.

Hadalsame Media