Ingiriiska oo baasaboorka wayn kala noqon kara dad ilaa 6 milyan gaaraya

0

(Hadalsame) 07 Dis 2021 – Sharci qabyo ah oo lagu daray xeerarka jinsiyada iyo xuduudaha Britain, ayna soo jeedisay Mtel ayaa faraya in dadka ku nool Boqortooyada Britain laga xayuubin karo dhalashadooda iyaga oo aan loo digin.

Xeerkan oo lasoo jeediyey bishii Luulyo, lana cusbooneysiyay bishii aynu soo dhaafney ee Nofeembar waxa uu ka dhaafayaa dowlada in ay bixiso ogeysiiska go’aanka qofka jinsiyadda looga qaadayo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dhalashada laga celiyey Shamima Begum oo asal ahaan u dhalatay dalka Bagladesh, balse aan abdikeed dalkaa tegin, kaddib markii ay ku biirtay kooxda Daacish.

Cillada jirtaa waxay noqonaysaa in sharcigan loo adeegsan kari doono inta badan dadka laga tirada badan yahay gaar ahaan Muslimiinta, iyadoo ay dhegtu u taagan tahay ilaa 6 milyan oo qofood.

Warbixintan ka dhegeyso idaacadda VOA Somali.

Hadalsame Media