WAR CUSUB: Dowladda Sweden oo soo saartay xayiraado cusub oo la xiriira Covid-19 (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 07 Dis 2021 – Xukuumadda iyo Hay’adda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha ee FHM ayaa dhowaan shir jaraa’id oo ay qabteen ku qayaxay in qaar ka mid ah xadidaadihii Covid-19 dib loo dhaqangelinayo.

Waxaa tillaabooyinka cusub ka mid ah in shahaadada Covid-ka looga baahnaan doono makhaayadaha laga cunteeyo, goobaha jimicsiga iyo baararka wax laga cabo, in gafuur-saab looga baahan yahay dadka raacaya gaadiidka dadwayanaha iyo in ay dadku ka fogaadaan meelaha saxmadda ah, gaar ahaan dadka waayeelka ah.

Wasiiradda Arr. Bulshada, Lena Hallengren (S), ayaa sharaxaysa. ‘’Wixii berri loo gaaro waxaa jiraya hindise dhigaya in dadka looga baahan yahay shahaadada Covid-19, ayay tiri Wasiiraddu.

Hadalsame Media