Haweenaydii sida xun u dishey wiilka ay eedada u ahayd oo qaati ka joogta maxaabiista la xiran (Maxay sameeyeen?)

0

(Coventry) 06 Dis 2021 – Haweenayda dishey wiilkii yaraa ee Emma Tustin ayay dadkii xabsiga kula jirey cuntadeeda cusbo ka buuxiyeen iyagoo ka xun falka aadka u liita ee insaaniyadda ka baxsan ee ay kula kacday wiilka yar oo ay jirdil nafta uga qaadday.

Haweenaydan 32-jirka ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’in iyadoo ugu yaraan liqi doonta 29 sanadood oo xabsi ah kaddib markii lagu helay dilka Arthur Labinjo-Hughes oo ahaa 6-jir uu ninkeedu dhalay oo ay wada deganaayeen Solihull, West Midlands.

Aabaha, Thomas Hughes, ayaa isna lagu xukumay 21-sano kaddib markii lagu helay in uu dilka dhiirrigeliyey, taasoo ay ku jirto inuu u diray farriin qoraaleed saacado kahor dilka saqiirka Tustin isagoo leh ”u dhamee uun.”

Haweenayda oo haatan ku xiran xabsiga Eastwood Park Prison ayay maxaabiista kale oo aad uga xun falka ay ku kacday waxay cuntada uga buuxiyeen cusbo, iyadoo uu Arthur Labinjo-Hughes oo awoowe u ah wiilka yari uu sheegay ”inaysan jirin ciqaab ku filan haweenaydaa wuxuushadda ah.”

Baaritaan 9 todobaad qaadatay oo ka socotey Maxkamadda Coventry Crown Court ayaa lagu ogaadey in wiilka yar la iskugu darayey dil, bahdil iyo baahi, iyadoo khasab ku siisay cusbo aad u badan oo 34 garaam ah in yar kahor dilkiisa.

Waxaa dhiggiisa laga helay 187.2 mmol halkii liitarba (mmol/L) – iyadoo sodium-ka ugu badan ee uu qofku xamili karo ay tahay 140 mmol/L, taas ayaana keentay in cusbo looga buuxiyo cuntada.

Hadalsame Media