Muxuu Steve Harvey ka yiri mustaqbalka Somalia & sida uu noqon doono?!!

0

(Hadalsame) 06 Dis 2021 – Steve Harvey oo Ka Mid ah Wariyaasha Caalamka Ugu Weyn Kooda 1-aad Ayaa Mar uu Ka Hadlayay Dalalka Dunida Ka Haray Sidaan Yiri:-

Waxaan aad uga xumahay in SOMALIA oo 61sano xor ahayd ay maanta oo aduunku sidaa u hormarey wali aysan ka jirin wax sharci iyo kala dabeyn ah, horumar warkiisaba daaye waxaa wali suurto gal aheyn Basic life-kii ama waxyaabihii aas aasiga u aha nolosha bani’aadamka sida Biyaha, korontada, caafimaadka, waxbarashada, wadooyinka, iyo dhismayaasha kaabiyaha dhaqaale oo idil. Wadanku waxuu marayaa halkii 300 sano aduunka ka yimid. Gaajada iyo abaaraha ay u dheer tahay.

Halka Dubai 50 sano kaliya xor ahayd sidaa ay udhiseen raggii xukumayey.

Dadka Somalida iyo xukunkooda aya ugu wacan dib udhaca heerkaas la’ eg ee maahan deegaanka iyo halka ay dhacdo Somalia.

Haddii raggii hogaaminaayey Somalia ay si fiican oo qotodheer leh u tuujin lahaayeen maskaxdooda iney horumar ku fakiraan maanta Dubai iyo qaliijul carabiya oodhan waa ka horumar badnaan laheyd, lkn dhinaca xun ayey door bideen.

Marmarka Qaar Waxaan isweediyaa Dadka Somaaliyeed Maku Balameen Ineey Is Dilaan Dalkodane Burburiyeen Ma Aqaan Waxeey Ku Jeclaadeen Sidaan, Dunida oo Ku Tartameyso Tiknolajiyada Casriga ah ineey Ka Doorbidaan Meesha ay Maanta Joogaan

Ma Aqaan Somaliya Sida ay Sii ahaan Doonto, lkn Waxaan Hubaa Hadeey Sidaan Kusii Jiraan in Dadkii iyo Dalkii Somaliyeed Dunida Ku Kala Biiri Doonaan Sidaasne Somaliya lagu Waayo.

Xigasho: Ashkir

Hadalsame Media