Goorta Rangnick lasoo bandhigayo, kulanka ugu horreeya ee uu laylin doono & fasalkan kaddib howsha uu ka qabanayo United

0

(Manchester) 02 Dis 2021 – Ralph Rangnick ayaa la siiyay rukhsad uu shaqadiisa ku meel gaarka ah ku bilaabo isagoo qabanaya kooxda Manchester United oo ka jirta Premier League oo warkan ku dhawaaqday Khamiistan.

63-jirka reer Jarmal ayaa saxaafada loo soo bandhigi doonaa Jimcaha berritool, waxaana uu markii ugu horreeysay kooxda la wareegayaa kulanka ay ku wajahayaan kooxda Crystal Palace labo maalmood kaddib.

“Maadaama hadda la dhameeyay dhammaan waraaqaha shaqada, waxaa Old Trafford shir jaraa’id ku qaban doona Ralf Rangnick 9:00 subaxnimo berri subax,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay United.

United ayaa xaqiijisay magacaabista Rangnick inuu noqonayo bedelka mudada gaaban ee Ole Gunnar Solskjaer Isniintii, wax ka yar usbuuc uun kaddib markii ay cayriyeen macallinka reer Norwey markii ay 4-1 ku xasuuqeen kooxda hoose ee Watford.

Yeelkeede, Rangnick, oo ahaa maamulaha isboortiga iyo horumarinta kooxda Ruushka ee Lokomotiv Moscow, ayaa ku khasbanaaday inuu sugo ogolaanshaha shaqo si uu u bilaabo doorkiisa cusub Old Trafford.

Tababaraha KMG ee Michael Carrick ayaa markii saddexaad leylin doona kooxda oo Arsenal ku wajihi doonta Old Trafford Khamiista maanta ah, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee United ayaa kooxda wadey guushii Champions League ee Villarreal iyo barbarrihii Premier League ee ay la galeen Chelsea.

Rangnick ayaa sii ahaan doona tababaraha kooxdan ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan kahor inta aanu bilaabin door latalin ah oo laba sano ah oo uu ka qabanayo isla United.