Maxay diintu ka qabtaa in dumarku ay meherkooda ka dhigaan in ninku aanu xaas kale la guursan?!!

0

(Hadalsame) 02 Nof 2021 – Haddii aad ka mid tahay dadka isticmaala baraha bulshada waxaa laga yaabaa inaad aragtay ama maqashay sheeko la sheegay in ay Hargaysaka dhacday oo tibaaxaysa in haweenay ay meherkeeda ka dhigtay in ninkeeda cusub uusan xaas kale la guursanin.

Inkasta oo markii lammaanahan ay BBC-du la xiriirtay ay gebi ahaanba beeniyeen in ay arrintani jirto, ayaa haddane waxaa ka dhashay su’aallo diini ah oo soo noqnoqday, kuwaas oo ku saabsan sideedaba waxyaabaha ay diinta ka qabto meherka ay gabadha xaqa ugu leedahay ninkeeda.

Ragga Muslimiinta ah waxay diintu oggoshahay in ay guursadaan ilaa 4 xaas haddii ay asoo baxaan shuruudaha looga baahan yahay.

Aroos

Horay waxaa Soomaalida isticmaala baraha bulshada hadal heyn baaxad leh uga dhaliyay nin soo bandhigay afar xaas oo uu isla qabo, kuwaasoo uu sheegay in ay dhammaantood isku wada faraxsan yihiin, oo howlaha reerka isku caawiyaan.

Sheekadan cusub ee hadal haynta dhalisay ayay ka dhasheen suaalo ay dadka isweeydiinayaan inay diin ahaan sax tahay iyo in kale.

Sheekh Cabdullaahi Muxumad Yarow (Naxoow) oo ka mid ah culimada wax kusoo bartay Jaamacadda Madiina, ayaa BBC-da u sheegay in diin ahaan aysan wax dhib ah lahayn in ninku uu xaaskiisa la galo heshiis noocaasoo kale ah.

“Ninku inuu 1 xaas iyo ilaa 4 xaasba isla guursado hal mar, haddii uu shuruudaheeda kasoo baxo, waa xaq uu Alle siiyay, wuu sameyn karaa wuuna iska dhaafi karaa,” ayuu yiri.

Dr Cabdullaahi Muxumad Yarow

Qoraalka sawirka, Dr Cabdullaahi Muxumad Yarow

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Wuu ka tanaasuli karaa xaqiisii ahaa inuu xaas labaad guursado wax dhib ahna ma laha oo waa wax uu iska deyn karo ama sameyn karo. Waxa ay labada qof ku heshiiyeen haddii aysan ahayd arrin ka hor imaaneysa diinta ama cibaadada waxba kuma jabna.”

“Waxaan la oggoleyn in qofka lagu xiro shuruudo diintiisa dhaawacaya sida in la dhoho salaadda ha tukanin ama wax kale oo waajib ku ah.”

Sheekh ayaa intaas ku daray in dhanka kale loo baahan yahay ballamaha ay dadka Muslimiinta ah galaan in sidooda loo fuliyo.

“Fulinta ballanta iyo waxa lagu heshiiyay waa arrin muhiim ah, waa al Muslimuuna calaa shuruudhihim [Muslimiinta waxaa waajib ku ah inay fuliyaan waxa ay ku heshiiyeen].”

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media