Somalia & Jarmanka oo kulmay & arrimaha ay ka wada hadleen + Sawirro

0

(Muqdisho) 29 Nof 2021 – Waxaa magaalada Muqdisho gaarey wefdi heer hoose ah oo ka socda Wasaarad Dibadeedka dalka Jarmanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisaciid Muuse Cali ayaana xalay  ku qaabilay magaalada Muqdisho wefdigaasi ka socda Jarmalka oo uu hoggaaminayo Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dr. Thorsten Hutter.

Waxaa la isla jeexjeexay arrimo ay ka mid yihiin kor u qaadista xiriirka labada dal iyo sidii uu Jarmanku DF Somalia gacan uga siin lahaa dhinacyada kobcinta iyo karti-dhisidda.

Jarmanka, gaar ahaan midkii Galbeed ayaa Somalia la lahaa xiriir diblomaasiyadeed isagoo aad uga caawin jirey dhanka agabka booliiska Soomaaliyeed oo uu siin jirey gaadiid kala nooc ah.

Jarmanka ayaa Somalia sidoo kale u dhisay kaabayaal kala geddisan oo madani ah.

Hadalsame Media