Maamulkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo xeer kasoo saaraya Baraha Bulshada (Dhegeyso)

0

(Hargaysa) 29 Nof 2021 – Somaliland ayaa Axaddii sheegtay inay sameyneyso xeer lagu sakameyn doono adeegsiga Baraha Bulshada, gaar ahaan ‘warxumo-tashiilka iyo wararka been-abuurka ah’ iyo wixi la mid ah.

Arrintaan waxay kasoo baxday shirka sannadlaha ah ee Wasaaradda Isgaarsiinta Somaliland, waxaana waxyaabaha lasoo bandhigay ka mid ah in 43% ay baraha bulshadu saamayn taban ku leeyihiin waxbarashada carruurta, sida ku cad daraasad uu sameeyey qof maxalli ah.

Xeerkaan cusub iyo dhammaan qodobadi looga hadlay shirkaas, ayaa wariyaha VOA-da ee Hargeysa, Khadar Maxamed Cakulle uu ka wareystay, Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Dr Abdiweli Sheekh Abdilahi Suufi.

Hadalsame Media