Farriimo ku qoran baasabboorrada caalamka oo muujinaya maqaamka dal kasta (Arag farqiga u dhexeeya Maraykanka & Somalia)

0

(Hadalsame) 29 Nof 2021 – Baasaboorka dowlad kasta waxaa ku qoran farriin gaaban oo ku socota qofka heysta baasaboorkaas, qaarkoodna waxay farriintaas kula hadlaan dalalka kale.

Baasaboorka Mareykanka waxaa ku qoran “Qofka heysta baasaboorkaan wuxuu magan u yahay Mareykanka. Dhul kasta korkiis iyo cir kasta hoostiisna waan la soconaa, waana difaaceynaa muwaadinkeenna.”

Ingiriiska waxaa ugu qoran “Dowladda Ingiriiska waxa ka go’an in ay difaacdo qofka heysta baasaboorkaan, ilaa laga dilo askarigeeda uga dambeeya.”

Masar waxaa ugu qoran “Haddii uu baasaboorkan kaa lumo, waxaad bixin doontaa ganaax lacageed.”

Soomaaliga ah waxaa ku qoran “Dowladda Soomaaliya waxay codsaneysaa in qofka wata baasaborkan loo ogolaado in uu ku gudbo si xurmo leh, oo aan dib-u-dhac laheyn, lana caawiyo haddii uu u baahdo.”

W; D: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media