”Waad la yaabi doontaan!” – RW Sweden oo maanta soo bandhigaysa xukuumaddeeda (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 30 Nof 2021 – Magdalena Andersson ayaa shalay mar kale loogu codeeyey inay noqoto Raysal Wasaaraha soo dhisaya xukuumadda xigta kaddib markii ay horay isla xilkaa iskaga casishey.

Maanta, ayay Magdalena Andersson soo bandhigi doontaa wasiirrada xukuumadeeda oo ay baarlamanka horgayn doonto, iyadoo ka koobnaan doonta xisbigeeda S oo qura, balse saxaafadda ayaa arrintan wax ka waydiisey.

”Haahey, waxaan u socdaa Baarlamanka waxaana akhrin doonaa liiska golaha wasiirrada, balse xiise ayay leedahay hunnuhunuda aan maqlayo, balse waxaan dhihi karaa waad yaabi doontaan.” Ayay tiri Magdalena.

Hadalsame Media