Shirkadaha tallaalka Covid-ka oo ballanqaaday inay muddo yar ku diyaarinayaan tallaal lagula tacaalo nooca cusub ee Omicron

0

(Hadalsame) 28 Nof 2021 – Khubarada WHO ayaa sheegay in caddaymaha hordhaca ihi ay muujinayaan in Omicron uu leeyahay fursad aad u badan oo uu “caabuq ku keeni karo” xitaa tallaalka kaddib maadaama uu isbedbedelayo.

Sidaa darteed, shirkadaha tallaalka sameeya ayaa durba ku dhaqaaqay qorshe ay wax kaga bedelayaan taxa hidde-sidka noocan cudub ee Omicron oo u taxan B.1.1.529 iyagoo tijaabada iyo samayntaba bilaabaya todobaadyada yar ee soo aaddan.

Moderna ayaa tiri: “Tan iyo horraantii 2021, Moderna waxay waddey istaraatijiyad sal ballaaran oo ay kusii qiyaasayso inay iman karaan noocyo cusub ee Covid ah”, waxaana qorshaha ka mid ah in 3 tillaabo la qaado haddii ay shaqayn waydo kuurada xoojinta ah ee 50 (microgram) ee mRNA-1273.

Pfizer and BioNTech ayaa iyaduna sheegtay in haddii uu fayruskani ka hoos xaluusho tallaalka haatan jira ay 100 maalmood ku diyaarinayso tallaal si gaar ah loogu sameeyey noocan cusub.

Hadalsame Media