Shiinaha oo Taiwan ag mariyey 27 dayuuradood oo dagaal (Mid aan horay usoo raaci jirin oo markan lagu arkay)

0

(Beijing) 28 Nof 2021 – Ciidanka Cirka Taiwan ayaa kiciyey dhowr diyaaradood kaddib markii ay hawadooda mar qura soo galeen 27 dayuurad dagaal oo Chinese ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Taiwan ayaa ka sheegatay Ciidanka Cirka Shiinaha oo sanadihii dambe iska soo gelayey hawadeeda, gaar ahaan dhanka koonfureed ee ka mid ah aagga loo yaqaan ADIZ, oo aad ugu dhow gasiiradaha ay Taiwan-xukunto ee Pratas Islands.

Taiwan ayaa tillaabada Shiinaha ku micnaysay waxa loo yaqaan “grey zone” oo ah qaab ay ku doonayaan inay ku kala jiidaan awoodda ciidanka Taiwan oo marar badan u baahanaysa inay dayuurado kiciso iyo tijaabo ku aaddan jawaabta ay bixin karaan inta ay la’eg tahay.

Tan iyo 1-dii Oktoobat oo ay Shiinuhu xuseen Maalinta Qaran, waxay Taiwan sheegtay inay hawada mandiqadda ADIZ ay soo galeen ku dhowaad 150 dayuuradood, waloow aysan badankoodu toos usoo gelin hawadeeda tooska ah, balse ADIZ waa mandiqad ay hordhac ahaan u indhaindhayso si aan weerar loogu kedinin.

Dayuuradaha galabta soo galay aaggaasi waxay iskugu jireen 18 miig, 5 dayuuradood oo a kuwa samayn kara duqaymaha nukliyeerka, iyo si aan looga baranin dayuurad booyad ah oo ah nooca Y-20 oo cirka shidaalka ku bixisa.

Duqeeyeyaasha waawayn iyo 6 miig ayaa u haadey dhanka koonfurta Taiwan iyagoo galay hilinka Bashi Channel oo kala qaybiya Taiwan iyo Philippines, kaddibna waxay aadeen dhanka Pacific-ga, kahor intaanay dib ugu soo noqon Shiinaha, sida ku cad maab ay soo bandhigtay Taiwain.

Tillaabadan ayaa imanaysa kaddib markii uu Shiinuhu ka caroodey tillaabo uu Maraykanku Taiwan ugu martiqaaday shirka Dimoqraadiyadda oo ay ka mid tahay 109 dal oo lagu casuumey waloow aan la aqoonsanayn, taasoo ay Beijing ku sheegtay mid daandaansi ah.

Hadalsame Media