Muuqaallo dabagal ah oo dayax-gacmeedka lagu qaaday oo muujinaya dal hub aad u badan siinaya DF Itoobiya

0

(Addis Ababa) 28 Nof 2021 – Muuqaallo dhanka dayax-gacmeedka lagu qaaday ayaa muujinaya in Imaaraadku uu dhanka cirka hub culus uga gudbinayo DF Itoobiya oo dagaal kula jirta fallaagada Tigraay.

Baaristan oo la sameeyey intii u dhaxaysey bilaha Sebtembar iyo Nofeembar, ayaa muujinaya jiritaanka 90 duullimaad oo dhexsaday Imaaraadka iyo Itoobiya.

Duullimaadyada qaar badan oo ka tirsan waa la qariyey halka ay kasoo duuleen, halka ay ku degeen iyo shixnadda ay sidaan.

Imaaraadka ayaa howshan u diray 2 shirkadood oo shixnadaha qaada oo kala ah: mid Spanish ah oo samaysay 54 duullimaad oo ay ku keenayso agab ciidan iyo mid Ukraine ah oo samaysay 39 duullimaad.

Duullimaadyadii ugu dambeeyey ayaa isku xirayey saldhigyada Sweihan Base ee Abu Dhabi, UAE, iyo Harar Meda oo ku yaalla koonfurta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Waxaa muuqaallada ka mid ah daroonka Shiine-sameega ah ee Wing Loong oo markii ugu horreeysey lagu arkay ciidanka Itoobiya iyo xamuul laga rogayo dayuuradda culus ee Ilyushin.

Waxaa sidoo kale sawirrada dayax-gacmeedka laga xaqiijiyey inaysan wax howl ihi ka socon saldhigyada woqooyi ee Samara iyo Axum oo 200km u jira Addis Ababa.

Inta badan waxaa sidoo kale woqooyiga dalkaa ka go’an isgaarsiinta.

Hadalsame Media