Markabkii ugu horreeyey oo kusoo xirtey Dekedda Garacad & qalabka uu sido + Sawirro

0

(Garacad) 28 Nof 2021 – Markabkii ugu horeeeyay oo sida shixnad qalab ah ayaa goor dhowayd kusoo xirtey Dekedda cusub ee Garacad ee Gobalka Mudug.

Markabkan soo xirtey waxyaabo uu ku jiro isla qalab lagu dhameystirayo Dekedda Garacad, oo dhismaheedu uu haatan meel gaba-gabo ah marayo, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ihi.

Wefdi ka socda Puntland iyo ganacsato kala duwan ayaa ku sugan Garacad si ay uga qeybgelaan munaasabadda soo xirashada Markabka.

Dekedda Garacad oo uu dhismaheedu soo bilowday sanadkii 2018-kii, ayaa dhowaan la dhameystiray qayb dheeg-saarka 1-aad ee ugu muhiimsan khoorka ay maraakiibtu soo galaan.

Dhismaha Dekedda ayaa ah mashruuca ugu weyn ee ka socda guud ahaan Soomaaliya, waxaana dhaqaalaha ku baxay iska leh ganacsato Soomaaliyeed oo u badan Reer Puntland. Dekedda Garacad ayaana noqonaysa Dekeddii labaad ee Puntland, iyo Dekedda 5 ee Soomaaliya.

Hadalsame Media