MW Israel oo Xanuukah ka dhex shidaya Masjidka Ibraahim (CS) & Maamulka Falastiin oo cambaareeyey (Wax badan ka baro)

0

(Khaliil) 27 Nof 2021 – MW Israel ee Isaac Herzog ayaa isaga oo ay garab taagan yihiin dadka xoogga ku degaamaysta dhulalka Falastiin, Xanuukah ka shidi doona Masjidka Ibraahiim (CS) ee magaalada Khaliil (Hebron) oo ka mid ah Daanta Galbeed oo ay ku amar ku taagleeyaan ciidamada halkaa xoogga ku haysta.

Xanuukah, oo ah ciid Yuhuudeed berri bilaabmaysa isla markaana socon doonta ilaa 6-da Diseembar, ayaa caadiyan la shidaan Xanuukada oo ah bir 9 laamood leh, taasoo shidnaata 8 habeen iyo maalmohooda.

Herzog ayaa waxaa tillaabadan ku dhaliilay xisbiga bidixda u janjeera ee Meretz Party, oo qayb ka ah nidaamka wadaagga ah ee haatan ka taliya Israel, iyadoo uu Michal Rozin, oo ka tirsan Aqalka Knesset-ku uu tillaabadan ku sheegay mid ”khaldan.”

Wasiir Dibadeedka Suldada Falastiin ee PA ayaa isna tillaabadan ku sheegay mid ”daandaansi ah”, isagoo MW Maraykanka ee Joe Biden ugu baaqay inuu joojiyo is ballaarinta ka socota Daanta Galbeed, iyadoo Khaliil oo qura laga dhisi rabo 372 guri oo cusub oo sharci darro ah, sida ay sheegeen PA.

TAARIIKH KOOBAN – Magaalada Khaliil waxaa 1994-kii gaar ahaan Masjidka Ibraahiim (CS), waxaa ka dhacay xasuuq kaddib markii uu nin xag-jir ah oo argagixiso ah oo Yuhuud ah isla markaana Baruch Goldstein xoog ku deggani uu rasaas oodda kaga qaaday xilli masjidka lagu dukanayey salaad, isagoo laayey 29 qof, 100 kalena dhaawacay.

Deeto maamullada Israel ayaa Masjidkii khasab ugu qaybiyey 2 qaybood oo mid Muslimiinta u reebeen midka kalena Yuhuudda siiyeen, iyadoo ay Muslimka iyo Yuhuudduba ay meesha barakaystaan maadaama ay ku yaallaan qabriyadii anbiyadii hore sida Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub (CS).

Khaliil ama Hebron, oo 32km koonfur ka xigta Bariga Quddusta la haysto, ayaa u qaybsan 2 qaybood: H1, oo ay Falastiin ka taliso (PA); iyo H2, oo ay ku magacaaban yihiin isla PA, balse ay si buuxda u xukumaan millateriga Israel oo hubiya ciddii gelaysa ama ka baxaysa.

Qiyaastii 40,000 oo Falastiini ah ayaa deggan H2, iyagoo deris la ah 1,000 Israeli ah oo laga ilaaliyo 18 koolbo waardiye oo ay leeyihiin Ciidanka Israel.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media