DHEGEYSO: Sweden oo ay ka dhacday taariikh aan abid horay u dhicin

0

(Hadalsame) 24 Nof 2021 – Magdalena Andersson ayaa noqotay RW cusub ee Sweden, taasoo sidoo kale taariikhi ah waayo waa haweenaydii ugu horreeysey ee xilkaa qabata abid.

Waxaa Magdalena Andersson ka codeeyey 174 xildhibaan taasoo ka dhigan inay ka codeeyeen wax ka yar 175 xildhibaan oo ka mid ah 349 mudane oo fadhiya Aqalka Baarlamanka Sweden ee Riksdag, sidaa darteed, Afhayeenka Baarlamanka Andreas Norlén ayaa ku dhawaaqay go’aanka.

– Dabcan waa maalin taariikhi ah oo ay Sweden RW ka noqotay haweenaydii ugu horreeysey, ayay tiri Annie Lööf (C).

Hadalsame Media